Dhacdo Uguba: Suldaan Weerar ku Qaaday Xarun Urur Samafal.. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhacdo Uguba: Suldaan Weerar ku Qaaday Xarun Urur Samafal..
January 31, 2015 - Written by Editor:

“Suldaanka Ayaa Dad Goobta ka Agdhawaa u Sheegeen in Aanay Manta Oo Sabti ah Xafiisku Shaqayn Ee Ay Bari oo Axada Uu Keeno Gudoomiyaha uu leeyahay Waa Ninkii Aanu U dooranay SONYO ,,,,,,,,,

HARGEISA(Wajaalenews);Maalmihii u danbeeyay sanadkii ina dhaafay iyo ilaa bishan u horeysay sanadkan aynu ku jirno ee 2015, ayaa waxa isa soo tarayay buuq iyo sawaxano ka dhana dalada qaran ee dhalinyarada ee magaceeda loo soo gaabiyo SONYO ayaa waxa dhagaha bulshada soo gaadhayay garabyo ku hirdamayay kursiga ugu sareeya dhalinta Somaliland.

SULDAAN-tile(1)

Xiligii loo asteeyay shirka hogaanka ayku dooran lahaayeen hogaankii hogaaminlahaa labada sano ee soo socda ayaa u hakaday buuq sobobay in shirkii habsami u socon waayo. 3cisho kadib waxay sadexmeelood laba kamida ururada ku bahoobay daladu ku doorteen xarunta dhexe ee daladu ku leedahay caasimada xubnihi BODka iyo gudoomiye iyo ku-xigeenkiisii oo kazoo jeeda ururada dalada xubnaha ka ah eek a hawlgala gobolada Awadal iyo Sool. Halka 30% ka mida ururadiina ay doorteen hogaankale oo kazoo jeeda ururada Hargeisa.

Xilwareejintii ay kula wareegeen kooxdii majooratigu doorteen dalada SONYO isniintii 26/1/2015 oo ay goobjoog ahaayeen dhamaan daneeyayasha dhalinyarada Somaliland sida xukumada,haayadaha deeqaha bixiya,xisbiyada siyaasada,jaamacadaha, iyo dhamaan ururada dalada ku bohoobay.

Kooxdii ka cadhootay shirka oo isu abaabulay hab qabiil ayaa maalintii jimcaha 30/1/2015 iyagoo wata sulaadiintoodii iyo cuqaashii beesha garxajis ee uu kazoo jeedo hagaamiyaha garabkii laga guulaystay mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame ayaa waxay sulaadiintaas iyo hogaamiyaaasha dhaqanka ee beeshoodu u caleemo sareen in uu yahay Gudoomiyaha Saxda ah ee dalada dhalinyarada Somaliland ee SONYO.

Kadib Boqrida beeshiisu u aqoonsatay gudoomiyaha SONYO kumay ee kaane waxa manta oo sabti ah 31/1/2015 tahay weerar kusoo qaadeen Suldaan Xiiray iyo Gudoomiyaha garabka laga badiyay Mr. Cabdicasiis Xirsi Warsame oo suldaan xiiray adeer inaadeer u yahay ayaa waxay si badheedha ugu hanjabeen ciidanka wardiyeeya Xafiiska SONYO , Kadib markii ay cagajuglayn iyo hanjabaad isugudaray Suldaan Xiiray ayaa waxa ay ciidankii iyo qaarka mida shaqaalaha wasaarada maaliyada oo ka agdhawaa goobtu u sheegeen in aanay manta oo sabti ah xafiisku shaqayn ee ay bari oo axada uu keeno Suldaanku Gudoomiyaha uu leeyahay waa ninkii aanu u dooranay SONYO , Warkan oo aanu ka helnay Goobjoogayaal ka mid ahaa dadkii Suldaanka ka kexeeyay si aanay Askartu Sharafta Uga qaadin Suldaanka .

Waxan lasaadaalin karin Hawsha ay kuwada socdaan Sulaadiinta iyo dhalinyarada beesha Garxajis ee ku wajahan sidii ay u afganbiyi lahaayeen masayrka dhalinyaradii kale ee Somaliland?

 

COMMENTS
LINKS