Dawladu Iyadaa Xaq Uleh Maamulka iyo Maraynta Hantida Qaranka Dastuuriyana Iibinkarta, Bixinkarta, Kirayna Karta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladu Iyadaa Xaq Uleh Maamulka iyo Maraynta Hantida Qaranka Dastuuriyana Iibinkarta, Bixinkarta, Kirayna Karta.
January 11, 2015 - Written by Editor:

Dhamaan dadkayga Somaliland waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka meel walboo aad aduunyada ka joogtaan, waxaan qalinka u qaatay inaan wax ka idhaahdo arinta maal mahan danbe dhegaheena daalisay ee ah in Dalwada Somaliland iibisay Warshadii laydhka ee Hargeysa.

Hadii aynu nahay Bulshada Somaliland waxaan masuuliyada qaranka iyo maamulkaba u dhiibnay Dawlada oo aynu inaggu soo dooranay ujeedadii aynu usoo dooranay may ahayn in shikhsi kastaaba marka ay kursiga ku fadhiisato uu ka doono dano gaara una fuliso ee waxaan u dooranay inay ka shaqayso danta qaranka iyo horumarka, waxaan u dooranay inay samayso isbedel.

Dawlad marka la yidhaahda sharciga ayaa wax u fasaxa waxna ka reebaya Hantida qaranka Dalwadu iyadaa maamulkeeda leh iyadaa maaraynteeda iyadaa looga fadhiyaa inay hagaajiso oo kolba sida ku haboon u maamusho, hadii ay cid ganacsato ah ka iibinayso iyaday u taallaa, hadii ay iyada u taalo oo wax lagu aaminay tahay sharciguna siiyey awoodeeda maaha inaynu qeylo iyo buuq dawlada la daba socono, inagu waxaynu nahay kuwii qaadanay amarka ee la maamulaayey.

Xaq baynu u leenahay hadii dawladu wado wax khaldan inaan ka hadalno una sheegno waxa khaldan si aan u toosino taasi waxay tudhaale u noqonaysaa qaranimdeena iyo umadnimadeeda hadii se aynu ka daba qeylino uun, runtii waxaynu ka dhimanay nidaamka paraticolka iyo wax sheega waxeeniba waxay nodeen buug iyo been abuur in dadka la kiciyo.

Dadkayga waxaan u sheegayaa Dalwada uu maanta hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo waad aragtaan oo indhihiina ayaa ka makhratiiyada waxa ay dalka u qabatay iyo halka ay gaadhsiisay, 10-sanadood waxaan ka weynay Dawladii Riyaale ayeynu kaga helnay 100-cisho gudadood oo ah boqolkii cisho ee ugu horeeyey maanta oo 4-sano iyo siyaadaba la maraayana hadalkeeda daa, ilaahay haynoo daayee wax badan bay qabatay dalka horumar bay gaadhsiisay waana sida aynu doonaynay inaan maruun helno cid hilinka toosan inagu hagta, Shacabka waxaan leeyahay kuwa cadawga inoo ah hadana iska dhigaaya in dalka lexejeclo ka hayso iska ogaada waxay idin colaysiinayaan kuwa wanagsan ee jecel wanaaga waxay doonayaan inay idinka maanta meesha idinku fuulaan berina siday doonaan idinka yeelaan taasi waa miday shacabkaygu iska eegi doonaan cida aad ogtihiin ee aad aragtaan siday horumarkeena u danaynayso oo ah Hogaaminta Madaxweyne siilaanyo ayaa ah inaynu u abaal celino.

Cali Xasan

Calixasan608@gmail.com

COMMENTS
LINKS