Dawladda Itoobiya Oo Somaliland kala Hadashay Kulankii Madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ee Jabuuti iyo Arimo kale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Itoobiya Oo Somaliland kala Hadashay Kulankii Madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ee Jabuuti iyo Arimo kale
January 17, 2015 - Written by Editor:

Addis Ababa(Wajaalenews)-Wasiirkak Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa kulan la yeeshay Jimcihii Wasiiru dowlaha ArrimahaDibadda Ethiopia Ambassador Berhane Gebre-Chiristos, waxaanay labada dhinac ka wada hadleen arrimo la xidhiidha Amniga Xuduudka,Wada hadalkii Jabuuti ee Somaliland iyo Somalia iyo doorashooyinka soo socda.

wasiir biixi iyo etoobiya

War Lagu Baahiyay Shabakadda Internet-ka ee Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia ayaa lagu yidhi “Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Ethiopia Ambassador Berhane Gebre-Chiristos, wuxuu Xafiiskiisa wada hadal kula yeeshay Jimcihii(Jan-16-2015) wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.Labada dhinac waxay isla lafo gureen hababka lagu sugayo amaanka Xuduudka iyo qodobo la xidhiidha.

Maxamed Biixi Yoonis iyo Ambassador Berhane waxay sidoo kale is-dhaafsadeen arragtiyo ku saabsan wada hadalkii dhawaan ka dhacay Jabuuti ee Somaliland iyo Somalia u dhexeeyay. Kulankan farsamo ee Somaliland iyo Ethiopia waxa sidoo kale lagaga hadlay Doorashooyinka soo socda iyo dano kale oo guud”

Socdaalka Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ku tagay Ethiopia ayaan ahayn mid Bulshada Somaliland iyo Warbaahinta loo bandhigay balse waxaa la filayaa inuu ku qotomo iskaaashiga Somaliland iyo Ethiopia, siiba Xaaladda Suldaan Wabar-ka galay Buuraha Xuduudka Ethiopia iyo Somaliland ee Gobolka Awdal ku beegan.

 

COMMENTS
LINKS