Dawlada Soomaaliya kama mid nihin, maamulkii hawada soomaaliya ha naloo keeno, Somaliland iskuma helayso” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Soomaaliya kama mid nihin, maamulkii hawada soomaaliya ha naloo keeno, Somaliland iskuma helayso”
January 7, 2015 - Written by Editor:

Madaxweyne-xigeen Puntland oo dhowaan imanaya Buuhoodle

Garowe, (Wajaalenews) Madaxweyne-xigeenka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, Cabdixakiin Cabdillahi Cumar (Camay) ayaa sheegay inay beesha caalamka ka codsadeen sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen wada xaajoodyada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, jawaabteedana sugayaan, isla markaana usbuuca soo socda uu boqasho ku tegi doono Buuhoodle.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo deegaan ahaan udhashay degmada Buuhoodle ee Somaliland, waxa uu sheegay inuu dhowaan booqasho ku iman doono magaalada Buuhoodle isla markaana uu ka qayb-gali doono Caleemo-saarka Garaadka Beelaha Buuhoodle oo magaaladaas lagu qaban doono dhowaan.

camay
“Waxaan u sheegayaa ummada Puntland iyo umadda joogta Buuhoodle, bishan 15keeda waa caleemo saarka Garaad Soofe, waan ku tallogelayaa hadii ilaah yidhaahdo inaan joogo, maqnaantaydii horena fursad waa ayey ahayd. Anigoo taa u tegaya ayaan haddana shaqadaydii madaxweyne-xigeen anigoo wata isu-tegaynaa.”
Mr Camay waxa uu ka hadlay wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya iyo doorka uga bannaan inay ku metalaan ergada Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Mar walba beesha caalamka markaan kulano waan u sheegnaa, arrimaha in wax laga qabto aan sugayno way ku jirtaa. Waxaan kuu caddeynayaa in waxii go’aamo halkaa ka soo baxa aanay khusayn Puntland ayaan kuu sheegayaa.”
“Waxyaalahii laga wada hadlayey ee masiiriga, dadku inay sii dhuuxaan weeye, waa maxay masiiri. Madaxweyne Xasan Sheekh ma waxuu aqbalayaa isagoo u dhaartay dastuurka Federaalka in Hargeysa go’do? Waxba kama jiraan ayey noqonayaa dhaartiisii haddii ay dhacdo. Waxyaalahii laga wada hadlayey waxa ku jiray hawada, marka la leeyahay maamulkii hawada hala geeyo Hargeysa macquul maaha. Dawlada Federaalka soomaaliya kama mid nihin iyo maamulkii hawada Soomaaliya ha naloo keeno Somaliland iskuma helayso,” Sidaas ayuu yidhi Mr Camay.

 

COMMENTS
LINKS