Dawlada Norwey ooDHalashadii Kala Noqotay Soomaalida Degan Wadankaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Norwey ooDHalashadii Kala Noqotay Soomaalida Degan Wadankaasi
January 30, 2015 - Written by Editor:

NORWEY FLAG
OSLO(W.N):- UDI, Hay’ada dalka Norway u qaabilsan soo galootiga ayaa shaaca ka qaadey in dhalashadii Norwegian iyo sharciyadii dal-ku-jooga ay kala laabatey in ka badan boqol qof oo Soomaali ah, kadib markii ay ogaatey in ay ka been sheegeen dhalashadooda runta ah.

Sarkaal u hadley Hay’ada UDI da ayaa magaalada Oslo ka sheegey in uu jiro shaki wayn oo ku aadan bulshada Soomaalida ee dagan dalkaas, shakigaas oo ah ka been sheegid dhalashadooda runta ah iyo dalalkii ay ka yimaadeen markii ay qaxootinamada ka dalbanayeen Norway. Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegey in ay hayaan cadeeymo la hubiyey oo in ka badan 100 qof oo ka mid ah bulshada Soomalida ay ka yimaadeen una dhasheen Wadamada Ethiopia, Djibouti, Tanzania iyo Kenya, balse ay asal ahaan yihiin soomali. Sarkaalka ayaa sheegey in dhamaan dadkaas lagala laabtey dhalashadii Wadanka iyo sharciyadii dal ku jooga, waxaana haatan la diyaarinyaa sidii logu celin lahaa wadamadii ay u dhasheen.

Arintan ayaa la filayaa in ay saameyn ku yeelato soomali badan oo wadanka Norway soo galey 10-kii sano u dambeeye iyo ubadakii ay halkaas ku dhaleen.

Soomali ka badan 40 kun oo qof ayaa ku nool wadanka Norway, iyadoo intooda badan yihiin dhalinyaro. Waxaana bulshada Soomaalida ee Norway lagu tilmaama dadka ugu dhex galka yar wadanka iyo shaqo la’aan baahsan oo u dheer, waana sababaha keena in had iyo jeer warbaahinta Norway soomaalida u hadal heyso.

COMMENTS
LINKS