Dawlada faransiiska Kumanaan Askari Soo Dhoobay Meelo Badan Oo Gudaha Magaalada ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada faransiiska Kumanaan Askari Soo Dhoobay Meelo Badan Oo Gudaha Magaalada ah
January 12, 2015 - Written by Editor:

Paris(Wajaalenews)Tan iyo Markii Weeraradu ay ka dhaceen Magaalada Paris Ee Caasimadda dalka faransiiska.
wasaaradda gaashaan dhigga dalka fransiisku waxaa ay shaaca ka qaaday ciidamo aad u tiro badan in lagusoo daad gureeyay goobaha dadku ay ku badan yihiin ee halista looga cabsida qabo.

ciidamada faransiiska
Wasiirka Gaashaan dhigga Dalka Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in 10,000 oo ciidamo ah la dhoobay meelo badan oo wadanka ka mid ah oo ay ka mid yihiin ilaa 700 oo dugsiyada ay leeyihii bulshada yuhuudda ee dalka faransiiska ku nool.
maalmihii lasoo dhaafay magaalada paris waxaa ka dhacay isusoo bax aad u balaadhan oo ay ka qayb galeen 40 hogaamiyeyaasha caalamka ah iyo malaayiin qof.

 

COMMENTS
LINKS