Dadwaynaha Magaalada Berbera Oo Saaka Iskugu Soo Baxay Mudaharaad ay Kaga Cabanayaan Saami Xukuumaddu Shirkaddo Gaar ah ku Siisay Warshada Korontada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadwaynaha Magaalada Berbera Oo Saaka Iskugu Soo Baxay Mudaharaad ay Kaga Cabanayaan Saami Xukuumaddu Shirkaddo Gaar ah ku Siisay Warshada Korontada
January 14, 2015 - Written by Editor:

Berbera:(Wajaalenews)Shacabka Magaalada Berbera, ayaa saaka iskugu soo baxay Mudaharaad Ballaadhan oo ay kaga Cabanayaan Warshada Konontada Magaaladaas oo xukuumaddu saami kamid ah ku wareejisay Ganacsato gaar ah.

Rabshadahan ayaa ka dhacay Badtamaha Magaalada, waxana dadweyne Cadhaysani ay taayirro ku gubeen Waddooyinka dhex mara magaalada, balse wali lama soo sheegin wax khasaare ah oo arrintaas ka dhashay.

dadwaynaha barbera oo mudaharaad sameeyay 2

Ciidamada Booliska ayaa rasaas cirka u riday, isla-markaana kala kaxeeyey shacabkii iskugu soo baxay Mudaharaadkaas, waxana, kuwaas oo markii dambe si nabadgelyo ah u kala tegay.

Saamiga Dadku ka cabanayeen ayey dhawaan xukuumaddu sheegtay inay siisay shakhsiyaad gaar ah, waxana arrintaas kasoo horjeestay qaar kamid ah Dadka halkaas ku nool oo saaka mujiyey sida ay uga xun yihiin Saamigaas xukuumadda Cidda gaarka ah siisay.

Warshadda Laydhka ee Berbera oo kamid ah Halbawlayaasha Magaaladaas ku yaalla, ayaa waxa markii hore si buuxda Gacanta ugu hayey Xukuumada Somaliland, balse Toddobaad dhaweyd ay xukuumaddu ku dhawaaqday inay bixisay saami kamid ah oo ay siisay ganacsato gaar ah.

Ma aha oo kaliya Warshadaha Korontada ee Xukuumaddu bixisay Midda Berbera, balse dhawaan ayey sidan oo kale Middii Magaalada Hargeysa Saamigii ugu badnaa ugu wareejisay Ganacsato gaar ah, balse ilaa iyo haatan arrintaas shacabku wax cabasho ah kama ay muujin.

 

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS