|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;Xisbiga Waddani Oo Wada-Hadallada Xukuumaddu kula Jirto Somalia ku Tilmaamay Tamashle Iyo Wakhti Lumis Aan Loo Baahnayn.
January 12, 2015 - Written by Editor:Hargeysa:(Wajaalenews);Xisibiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka dayriyey Heerka Wada-hadallada Somaliland la deedahay Dhigeeda Somalia, waxana uu soo jeediyey in la joojiyo, iyagoo ku andacooday inaanay wax faa’iido ah usoo sidin shacabka Reer Somaliland. Xoghayaha WarFaafinta Xisbiga Mucaaridka Ah Wadani Muj.Boobe Yuusuf Ducaale oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Xisbiag Waddani ku leeyahay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in markasta Natiijada kasoo baxda Wada-hadallada lala galo Somalia, ay yihiin qaar ka hiilinaya shacabka Reer Somaliland oo u janjeedha dhanka soamlia, http://youtu.be/5LFpFESfurc “Wada hadalada U Socda Somaliland Iyo Somaliya Waxaa ay Ku Bilaabmeen Shirkii Ka Dhacay Magaalada London Bishii Labaad 2012 Go,aamadii Ka Soo Baxayna Waxaa ay Ahaayen Qaar Togan Oo U Hiilinaayey Qadiyada Madax Baaninada Somaliland Ayaan Daradu Waxaa Ay Ku Jirtaa In Xukuumada Somaliland ay La anbato Wada Hadladaas Khadkii Lagu Saxeexay Shirkaasi Magaalada London Oo Aan Engegin Ayuu Madaxweynaheenu Sheekh Shariif Kula kulmay magaalada Dubai Intii Ka danbeysayna shirarkii waxaa Loola kacay dalka Tukriga “ ayuu yidhi Boobe Yuusuf. Muj. Boobe Yuusuf, ayaa tilmaamay in marka la tegayo shirarka Somalia lala leeyahay aan la adeegsan Aqoon iyo KHibrad, isagoo carrabka ku adkeeyey in arrimo Dalxiis goobahaas loo aado, waxana uu yidhi, “ Shirarkaas Wada Hadalada Lagu Sheegaayo Inta Badan Tamashle Iyo Dalxiis Ayaa Loo Tagaa Lamana Adeegsado Aqoon Yahano Iyo Xeel Dheerayaal Ka Midho Dhalin Kara Oo Waayo Aragnimo Iyo Aqoonba U Leh Ilaa Maantadaas Aynu Joogno Xukuumadeeno Wadahadaladaas Uma Laha Tusmooyin Siyaasadeed Oo Lagu Hagaayo Wax Warbixino Ah Ama Hishiisyo Ah Oo Ka Soo Baxayna Ma Jiraan Xaalku Ma Dhaafsisana Waa La Tagey Waa Laga Soo Noqday Iyo Meel Hablaayo Ayaa Lagu Balamay Shacbiga Somaliland Waxaa Aan U Soo Jeedinayaa In Ay U Soo Jeeden Oo AY U Feejignaadan Qadiyada Iyo Madaxbaaninada Somaliland Oo Ah Mid Dhiig Loo Soo huray” Dhinaca Kale Xoghayaha War-Faafinta Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Muj.Boobe Yuusuf Ducaale Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii IGAD Ee Ka Dhacay Magaalada Muqdisho,Waxaana Uu Sheegay In Go,aamadi Ka Soo Baxay Shirkaasi Oo Qaar Ka Mid Qeexayeen In Ay Urur Gobaleedka IGAD Ay Qirayaan Madax Banaanida Iyo Sugnaanta Dhul Ahaaneed Ee Dawlada Somaliya ay yahiin Qaar Aan Wax Ka Soo Qaad Laheyn Isla Markaana Hadalada Noocan Oo Kale Ahi Yahiin Shaanbad Iska Sameysan Oo Shirarka Noocan Ahi Marka Ay Dhamaadan Go,aamada Ka Soo Baxa La Raaciyo
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|