DAAWO;Wefti Ganacsato Turki ah oo S/Land soo Gaadhay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Wefti Ganacsato Turki ah oo S/Land soo Gaadhay,
January 9, 2015 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) Wefti Balaadhan oo Ka socda dalka Turkiga oo isugu jira siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa maanta Booqasho ku yimid dalkan JSl iyadoo ay madaarka caasimadda ku soo dhoweeyeen xubno ka tirsan golaha xukuumada iyo mas’uuliyiin kale.

Weftigan oo ay horkacayaan madaxda iyo wakiilada shirkadaha ugu waaweyn dhanka ganacsiga Dalka Turkiga ayaa u yimid Somaliland si ay u maalgashadaan dhinacyada kala duwan ee ganacsiga iyo kheyraatka Somaliland, iyadoo weftiga imaatinkiisu ku soo beegmay 48 saacadood ka bacdi markii Dawladda taagta daran ee muqdisho ee dalkaasi somaliya ay digniin bilaa macno ah u dirtay shirkadaha shisheeye ee maalgashanaya Dalkan JSL, waxana talaabadan weftiga shirkadaha ganacsi ee Dalka Turkigu cadaynaysaa in aanay dhegaha beesha caalamku maqli Karin isla markaana wax sharci ah u arkayn digniino ku sheega ka soo baxaya xafiisyada ay ciidamada shisheeye ilaaliyaan ee ku yaalla Magaalada Muqdisho. 

COMMENTS
LINKS