DAAWO;Ururka Dhalinyarada Ee Jiidali Oo Qado Sharaf U Sameeyay Haldoor Somaliland Iyo Siyaasiyiin Miisan leh . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Ururka Dhalinyarada Ee Jiidali Oo Qado Sharaf U Sameeyay Haldoor Somaliland Iyo Siyaasiyiin Miisan leh .
January 22, 2015 - Written by Editor:

DAAWO;Ururka Dhalinyarada Ee Jiidali Oo Qado Sharaf U Sameeyay Haldoor Somaliland Iyo Siyaasiyiin Miisan leh .

HARGEISA(Wajaalenews) Ururka dhalinyarada subeer awal ee jiidali ayaa maanta magaaada hargaysa qado sharaf ugu sameeyay dhamaan cidkasta oo barbar istaagtay xiigii ay xidhnaayeen hiilkana u muujiyay

qado sharaf ururka jiidali 2qado sharaf ururka jiidali 5qado sharaf ururka jiidali 6qado sharaf ururka jiidali 7QADO SHaraf 22qado sharaf 11

Madashan ayaa maanta kulmisay haldoorka somaliland salaadiyiin aqoonyahan iyo guud ahaan hogaanka sare ee ururka jiidali

xafladan ayaa ugu horay waxaa ka hadlay afhayeenka ururka jiidali faysal cumar madar isagoo guud ahaan umahadnaqay dhamaan kasoo qaybgalayaasha ismarkaa kawramay ujeedada qado sharaftan in ay tahay mahadnaq lagu maamusay cikasta oo ka qayb qaadatay kana dabqatay xadhigii lagula kacay masuuliyiinta ururka jiidali

Waxa kaloo xaflada kahadlay muj maxamed xaashi cilmi oo si qoto dheer usharaxay in somaliland looga baahan yahay in ladhsio cadaalada silooga fogaado qabyaalada oo ah shayga kaliya ee ragaadiyay horumarka bulshada somaliland

cabdilaahi-abokor muj cali guray

Masuuliyiinta madasha ka jeediyay hadalo dhaxal gala ayaa waxaa kaloo kamid ahaa gudoomiyihii hore ee gobolka maroodijeex axmed cumar Xamarje isagoo bulshada somaliland ugu baaqay in si mugleh looga hortago mudo korodhsi ay latimaado xukuumada siilaanyo laguna cadaadiyo in doorashadu xiligeedii dhacdo

Hadii ay xukuumada siilaanyo macdo mudo korodhsi waa in guud ahaan lagaga mudaharaadaa lixda gobol ee somaliland qasabna lagaga dhigaa in doorashadu xiligeedii ku dhacdo

waxa kaloo isna halkaa kahadlay prof cadbisalaan yaasiin oo kamida masuuliyiinta madasha wada tashiga iyo tosinta qaranka

suldaan mawliid oo kamida salaadiyiinta somaliland kana mid ahaa dadkii ugu mawqifka adkaa ee sida joogtada ah marwalba xukuumada siilaanyo ugu dhaliilayay xadhiga dhalinyarad ururka jiidali

Gabo gabadii xaflada ayaa waxa soo gunaanaday gudomiyaha ururka jiidali cabdiraxmaan xasan aadan oo guud ahaan umahad celiyay bulshada somliland gudaha iyo dibadaba sidii qimaha lahayd ee ay marwalba uguubaabinayeen dhalinyarada jiidali

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS