|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;Guddoomiyaha Cusub Ee Dalladda SONYO Iyo Wefdi Uu Hoggaaminayo Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Magaaladda Boorama
January 1, 2015 - Written by Editor:Borama (Wajaalenews) Wefti balaadhan oo uu horkacayo Gudoomiyaha cusub ee loo doortay Hogaanka dalada dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mudane Siyaad Cumar Cali , oo ay ku weheiyaan Gudoomiye ku xigeenka Dalada, Xubno ka tirsan Golaha Sare ee SONYO, xubno ka tirsan golaha xilku ka dhamaanayo ee dhalinta ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalooyinka Gabilay, Dila, iyo Borama, waqti ay safar ugu soo kicitimeen magaalada Boorama. Soo dhawaynta diiran ee loo sameeyay wafdigan ayaa waxa ay kulmisay Madaxda Golaha Degaanka ee Degmada Boorama, Xildhibaano, Ururada dhalinyarada ah, Haweenka NOW iyo dhalinyaro badan oo xiiso gaar ah u hayay inay la kulamaan hogaanka cusub ee loo doortay SONYO. Madal si heer sare ah loo soo agaasimay oo qabsoontay ayaa waxa hadalka iska daba qaatay Maayarka Magaalada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi iyo Maayar Ku Xigeenka Magaalda Boorama Md. Maxamed Faarax Dheerayste, waxana ay hambalyeeyeen hogaanka cusub ee la doortay iyaga doorashada maanta loo doortay inay dalada SONYO hogaamiyaan dhalinyaro ka timid gobolada Awdal iyo Sool-na ku timaanay guul balaadhan oo ay maanta dhalinta Somaliland gaadhay. Madashan ayaa waxa kale oo ka hadlay xubno ka tirsan Golaha Sare ee 7aad ee hogaanka dalada SONYO qabtay waxana ay ku dheeraadeen ahmiyada ay daladu u leedahay dhalinta reer Somaliland, waxana ay gudaha SONYO ku tilmaameen meel ehel u ah tartan furan, dimuquraadiyad, loolan caafimaad qaba iyo u tartankan badhi-taageerka dhalinta reer Somaliland meelkasta oo ay joogto. Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee dalada Md. Wacays oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca golaha xilkiisu dhamanayo ee SONYO, waxa aan hambalyaynayaa hogaanka xilka nagala wareegaya, waxana aan sheegayaa in maanta ay SONYO kobocday, taariikhdana ay gashay isbedelka dhacay, waxana hubaal ah in hogaanka aan ka tirsanaa ee xilka wareejinaya uu ku dadaalay sidii wajigii hore ee dalada ee Hargaysa oo kaliya ku koobnaa uu isku bedeli lahaa maantana waxa aan xilka ku wareejinay dhalinyaro ka timid gobolada cidhifyada Somaliland, kuwaas oo dhalinta kale ee dalka tusaya isbedel, SONYO-na ka dhigaya meel la wada leeyahay”
Gudoomiyahe ku xigeenka dalaka SONYO Md. Cabdiqani Jiidhe oo isaguna hadalka qaatay ayaa yidhi “Wax walba oo dhacay way dhamaadeen, maanta SONYO way isku duuban tahay, waxana ay tahay golaha ugu balaadhan ee kulmiya dhalinta Somaliland, Gole la isku waydaarsado aragti fayow, Gole ay gabi ahaanba gobolada dalku ku dhan yihiin, waana hubaal in SONYO ay tahay Gole hogaanka lagu kobciyo, ninka damac kaga jiro hogaanka SONYO-na looga baahan yahay in uu noqdo qof ay dhalintu u siman tahay, kuna hamiyaya inuu si siman oo cadaalad ah ugu adeedo”
Gudoomiyaha dalada SONYO Md. Siyaad Cumar Cali oo isaguna kulanka soo afmeeray ayaa u mahadnaqay gabihaanba bulshada kala duwan ee soo dhawaysay, waxana uu sidoo kale hambalyo u diray dhalinyarada reer Somaliland meelkasta oo ay joogto.
Gudoomiye Siyaad Cumar Cali isaga oo hadalka sii wata ayuu dhalinta Somaliland u diray fariintiisii ugu horaysay oo salka ku haysa ilaalinta midnimada iyo u adeega qaranimada waxana uu yidhi “dhalinta waxa tusaale ugu filan sida ay maanta hogaanka SONYO gacmaha isku haystaan, waxan aan leeyahay Somaliland wa dalkeenii, waxa loo baahan yahay in aan jacaylka qaranimada iyo lahaanshaha wadaniyada si siman u dareeno. Waxa loo baahan yahay in aan qalbiga iyo niyadaba furno oo aan ogsoonaano in maanta qofka hamiga lahi uu bari noqon karo madaxdayne, waxa loo baahan yahay inaan firkirkeena balaadhino, isla amrkaana aragtideena u rogno mid dalkan dhisaysa, mid talo iyo waano siinaysa inta fikirka qaloocda qabta, mid wanaaga, walaaltinimada iyo hormarka ku baaqaysa, hadii dhalintu gacmaha is qabsato waa hubaal in guul, bashbash iyo badhaadhe uu dalkeenu hiigsan doono, waana meeshaas yoolka aan hiigsanayno hadii aan nahay dhalinyarada Somaliland iyo hogaanka dalada SONYO ee xilka iyo masuuliyada balaadhan ee dhalinyarada loo igmaday” WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|