|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;Dhalashada Nebi Muxamed N.N.N.K.H Oo Magaalada Hargeysa Si Weyn Loogu Xusay
January 3, 2015 - Written by Editor:Hargeysa:(Wajaalenews)Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxa maanta si ballaadhan loogu xusay Munasaasibadda Dhalashada Nebi Mumamed(NNKH), waxana ay Farxaddaas la wadaagtay Dhammaan dalalka kale ee Islaamka ah. Munaasibadda loo qabtay Dhalashada Rasuulka oo lagu qabtay Hutel Mansor ee Magaalada Hargeysa, ayaa ahayd mid si weyn loosoo agaasimay, waxana ka qaybgalay Qaybaha kala duwan ee Bulshada, sida Culmada, siyaasiyiinta, dhallinyarada, aqoonyahanka iyo marti sharaf badan oo kale. Munaasibadan oo si wada jira ay u soo qabanqaabiyeen Jamciyatul Axbaab Iyo Xildhibaan Axmed Yaasin SH Cali Ayaanle oo ka mida Xildhibaanada Aqalka golaha Wakiilada Somaliland, waxana lagu muujiyey Jacaylka iyo Karaamada loo hayo Nebiga, iyadoo halkaas laga akhriyey Taariikhda Dheer ee Nebi Muxamed NNKH. Ugu horayn wax halkaa ka hadlay Sheekh C/raxmaan Aw faarax oo isagu ka socday wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland oo ugu horrayn halkaas ka Hadlay, ayaa ka sheegeeyey taariikhda Nebiga, waxana uu ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in loo muujiyo Jacaylkiisa iyo ku dayashadiisa. Sidoo kale waxa halkaa hadalo waano iyo wacdi isugu jira ka soo jeediyay Xildhibaan Axmed yaasin Sh Cali Ayaanle oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka Wakiillada Somaliland, isla-markaana doorweyn ku lahaa qabashada munaasibaddan, “Dhamaanteen Waxan halkan u fadhinaa iyadoo inaga run tahay in aan waynayno Rasulkenii Subanaa (N N N K) hadab waxa weeye in aan marwalba ku celelino hadal haynta Rasuulkenii Subanaa Rasuulkenii waxa u yimi Cali oo waxa uu ku yidhi Rasuul Allow Xaaskayga Caruurtayda iyo Waalidiintayba Marka laga reebo naftayda waan ka jeclahay Markaasu rasuulku ku yidhi, wali iimaankaagu taam maah markii dambe ayuu ku yidhi Naftaydan waan kaa jeclahay Rasuulku markaasu yidhi imikaa iimaankaagu taam yahay markaa waa in ay muxubada rasuulku halkaa inaga gaadhaa inagan” ayuu yidhi Axmed-yaasiin . Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo Musharraxa Jagada Madaxtinimada ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo munaasibadaas ka Hadlay, ayaa ku dheeraaday Baahida loo qabo in lagu daydo Nebiga, isla-markaana la karaameeyo munaasibadaha dhalashadiisa. Somaliland ayaa ka mid ah Dalalka Sanad kasta sida weyn looga xuso Dhalashada Nebiga NNKH, waxana maalinta Dhalashadiisa dalka oo dhami galaa fasax.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|