|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo: Taariikh-Nololeedkii Boqor Cabdalle Oo Lagu Aasay Magaalada Dahraan Ee Dalka Sacuudiga.
January 23, 2015 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews)-Illaahay naxariistii janno hawgu deeqee Boqorkii dalka Sucuudiga Boqor Cabdalla ayaa lagu aasay magaalada Dahraan ee dalka sacuudiga, ka dib markii uu ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Riyaad oo muddooyinkan danbe lagu daaweeynayey. Aaska boqor Cabdalla ayaa waxa ka soo qaybgalay inta badan madaxda waddamada islaamka ee dunida, iyadoo laga hor istaagay aaska boqorka inay ka soo qayb galaan madaxda waddamada aan islaamka ahayn. Illaahay ha u naxariistee boqor cabdalla waxa uu talada dalka Sucuudiga la wareegay sanadkii 2005, waxaanu hayey xilkaasi ilaa intii uu ka geeriyoonayey. Geerida boqor Cabdalla ka dib waxa xilkii boqorka dalka Sucuudiga loo cumaamaday ninka leh dhaxalka boqortooyada Sucuudiga oola yidhaa Salmaan Binu Cabdicasiis oo noqonaya boqorka Cusub ee dalka Sucuudiga. http://youtu.be/ijjpnJK6OZs intaasi ka dib halkan ka daawo tacsida Somaliland u dirtay dawlada sucuudiga iyo taariikh-nololeedkii iyo waxqabadkii boqor Cabdalla ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee. Aamiin Related posts:Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyey Degmada Sheekh Iyo Magaalad... DAAWO ;Shirkii Barlamaanka Yurub Oo Somaliland Ictiraafkeeda Lagu Soo Qaaday Xiisaha Xulashada Caala... Kala Fogaanshaha Bayaan Shalay Soo Baxay Oo Ay Jaamacadda Carabtu Dhabarka Kaga Jebisay JSL Iyo Dhaw... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|