Daawo: Taariikh-Nololeedkii Boqor Cabdalle Oo Lagu Aasay Magaalada Dahraan Ee Dalka Sacuudiga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Taariikh-Nololeedkii Boqor Cabdalle Oo Lagu Aasay Magaalada Dahraan Ee Dalka Sacuudiga.
January 23, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)-Illaahay naxariistii janno hawgu deeqee Boqorkii dalka Sucuudiga Boqor Cabdalla ayaa lagu aasay magaalada Dahraan ee dalka sacuudiga, ka dib markii uu ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Riyaad oo muddooyinkan danbe lagu daaweeynayey.

Aaska boqor Cabdalla ayaa waxa ka soo qaybgalay inta badan madaxda waddamada islaamka ee dunida, iyadoo laga hor istaagay aaska boqorka inay ka soo qayb galaan madaxda waddamada aan islaamka ahayn.

Illaahay ha u naxariistee boqor cabdalla waxa uu talada dalka Sucuudiga la wareegay sanadkii 2005, waxaanu hayey xilkaasi ilaa intii uu ka geeriyoonayey.

Geerida boqor Cabdalla ka dib waxa xilkii boqorka dalka Sucuudiga loo cumaamaday ninka leh dhaxalka boqortooyada Sucuudiga oola yidhaa Salmaan Binu Cabdicasiis oo noqonaya boqorka Cusub ee dalka Sucuudiga.

http://youtu.be/ijjpnJK6OZs

intaasi ka dib halkan ka daawo tacsida Somaliland u dirtay dawlada sucuudiga iyo taariikh-nololeedkii iyo waxqabadkii boqor Cabdalla ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee. Aamiin

COMMENTS
LINKS