Daawo: Mudaharaad Maanta Ka DHacay Hargeysa Oo Lagaga Soo Horjeedo Aflagaadada Nebi Muxamaed(S.C.W) (+ SAWIRO) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Mudaharaad Maanta Ka DHacay Hargeysa Oo Lagaga Soo Horjeedo Aflagaadada Nebi Muxamaed(S.C.W) (+ SAWIRO)
January 20, 2015 - Written by Editor:

mudaharaad2
Hargeysa (W.N)-Dhallinyaro cadhaysan ayaa saaka Mudaharaad kooban ka dhigtay Badhtamaha Caasimadda Hargeysa, waxana ay kasoo horjeedeen Sawirro aflegaaddo ah oo dhawaan Wargeysyo Reer Yurub ahi ka baahiyeen Nebi muxamed N.N.K.H.

sdgCiidamada Ammaanka ayaa markii dambe kala didiyey dhallinyaradan oo badhtamaha suuqa isku urursaday, waxana, wararku sheegayaan in qaarkood la xidhxidhay.
mudaharaad1

Da’yartan ayaa ahayd qaar iskood isku soo abaabulay, waxana ay ku dhawaaqayeen Erayo ka dhan ah kooxaha Aflegaadada wada, dhanka kalena waxay ammaan Huwiyeen Nebi muxamed N.N.K.H.

Dhallinyaradan ayaa gubay Calamada Waddama Maraykanka iyo faransiiska, waxana ay tilmaameen in xukuumadda ay waajib ku tahay inay arrimaha Noocaas oo kale ah ka Hadasho.
mudaharaad1

Mudaharaadada lagaga soo horjeedo Aflegaadada Warbaahinta Reer Galbeedku ku hayso Nebi Muxamed scw, ayaa ka dhacay Dalal badan oo muslim ah, waxana Dalalkaasi u badan yihiin dalalka reer Afrika.

COMMENTS
LINKS