DAAWO ;Masuuliyiinta Laanta Socdaalka Oo Ka Hadlay Dad Ku Dhoofaya Baasabooro Faajari Ah Oo Lagu Qabtay Madaarka Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO ;Masuuliyiinta Laanta Socdaalka Oo Ka Hadlay Dad Ku Dhoofaya Baasabooro Faajari Ah Oo Lagu Qabtay Madaarka Hargeysa
January 21, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews):-Taliyaha laanta socdaalka ee madaarka Hargeysa gaashaanle Cabdi Saleebaan, ayaa si adag uga hadlay haweenay shalay lagu qabtay madaarka Hargeysa iyada oo lagu dhoofinaayo baasaboor Foojari ah, waxaana uu sheegay in ciddii lagu qabto iyada oo sidata dukumanti sharci darro ah oo ka dhoofaysa madaarka Hargeysa la horkeeni doono maxkamad.

Gaashaanle Cabdi Saleebaan,ayaa hadalkan ka sheegay saaka mar uu shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa madaarka Hargeysa, waxaana uu sheegay in maalin ka hor ay madaarka ku qabteen haweenay lagu dhoofinaayo baasaboor Norwejiyaan ah oo aanay iyadu lahayn, isla mar ahaantaana ay u taxaabeen xabsiga, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay aad uga xun yihiin in ninkii haweenaydaas dhoofinaayey aanay qabanin. “Waxa la Go’aan saday in maxkamad lagu saaro qofka lagu qabto Baasaabor aanu isagu lahayn ama Dukumanti sharci darro ah isaga oo is leh ka dhoof Madaarka Egal International Airport.” Gaashaanle Cabdi Saleebaan, Taliyaha Laanta Socdaalka Madaarka Cigaal.

Taliyaha laanta socdaalka ee madaarka Hargeysa oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaas ku daray in ay arrimaha noocan oo kale aanay hore u arki jirin balse muddooyinkan danbe ay si xooga u soo badanaysay hada dadka isku dayaaya in ay nidaamka cayn kan oo kale ah ay uga dhoofaan madaarka Hargeysa, waxaana uu tibaaxay in ay intii sanadkan cusub lagu jiray ay dad badan u qabteen arrinta noocan oo kale.

Gaashaanle Cabdi Saleebaan, waxaa uu intaas ku daray in baadhitaano badan ay ku samayn doonaan guud ahaanba meelaha ay ku tuhunsan yihiin in lagu sameeyo baasaboorada foojariga ah ee noocan oo kala

COMMENTS
LINKS