DAAWO ;Madaxweynaha Somaliland Oo Galabta Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Hargeysa;sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO ;Madaxweynaha Somaliland Oo Galabta Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Hargeysa;sawiro
January 24, 2015 - Written by Editor:

Tallo-Urursigii Madaxweynaha, Tusmada Tilmaamihii Dadweynaha Ee Socdaalkii Tobanka Maalmood

HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta si weyn loogu soo dhaweeyay caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal shaqo oo qaatay muddo toban maalmood ah oo uu ku tagay deegaamo badan oo ku yaala gobolada dalka.

IMG_8569 IMG_8575 IMG_8607 IMG_8627 IMG_8659 IMG_8930 IMG_8963 IMG_8965 IMG_8978 IMG_9095 IMG_9166 IMG_9242 IMG_9392 IMG_9499 IMG_9585 IMG_9846 IMG_9854 IMG_9875

Madaxweynaha Somaliland waxa uu socdaalkiisa loogu magac daray socdaalka “Buur iyo Banaan, Bari iyo Galbeed” waxaanu ahaa socdaal toban dharaarood qaatay oo uu madaxweynaha Somaliland indhihiisa ku soo arkay waxqabadkii xukuumadda uu hoggaamiyaa ka fulisay dalka shan sano ku dhawaadka ay tallada dalka haysay, waxa kale oo madaxweynuhu socdaalkiisan ku soo darsay baahiyaha lagu sii xoojin karo adeegyadda bulshada ee gobolada dalka si loogu xisaabtamo oo mustaqbalka loo fuliyo.

Madaxweynaha Somaliland mudadii uu ku gudo-jiray socdaalkiisan waxa uu fursad u siiyay bulshada ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka dalka inay arkaan oo madaxweynahooda ay baahiyaha ay tabayaan iyo wixii tallo ah ee ay u arkaan inay muhiim tahay ayay madaxweynaha u gudbiyeen, waxaanu madaxweynuhu deegaan kasta u balan-qaadayay in wixii qabyo ah ee jira ay xukuumadiisu dabooli doonto oo ay wixii suurto-gal ah wax ka qaban doonto.

Socdaalkaasi waxa uu ahaa mid aad u dheer oo madaxweynuhu uu habeen iyo maalinba socday, waxaanu qeyb ka yahay qorshaha madaxweynuhu ku doonayo inuu ku ogaado wixii waxqabad ah ee laga fuliyay degmooyinka iyo sida baahiyaha ka jira gobolada dalku mudnaanta loo kala siinayo.

IMG_9880 IMG_9882 IMG_9888 IMG_9902 IMG_9907 IMG_9915 IMG_9953 IMG_9994

weftiga madaxweynuhu oo galabta ka soo ambo-baxay magaaladda Bebera, waxa dadweynuhu ay tubnaayeen jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera, waxaanay dadweynuhu usoo dhaweeyeen si xamaasad leh.

Madaxweynuhu socdaalkaasi ka dib waxa uu galabta ku soo laabtay, caasimadda Hargeysa, waxaana wadada halbowlaha caasimadda taagnaa oo soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa ka qeyb qaatay kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa, kuwaasi oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ku majeeranayeen siday ula dhacsan yihiin hoggaaminta suuban ee madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Shacbigii maanta aan u kala hadhin soo dhaweynta madaxweynuhu waxay ku amaaneen weftiga madaxweyne Siilaanyo socdaalkii xaqiiqo raadiska ahaa ee uu ku tagay deegaamo badan oo dalka ku yaalla iyo fadhiisimada muhiimka ah ee ciidammadda qaranka ee aaga Gambadha oo uu booqday si uu ugu dhiiri geliyo hawsha naf-hurka ah ee ay dalkooda u hayaan.

 

 

COMMENTS
LINKS