Daawo: Madaxweynaha Faransiiska Oo Codsaday Inaan Diinta Islaamka Loo Nisbayn Dadkii Fuliyay Weeraradii Paris | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Madaxweynaha Faransiiska Oo Codsaday Inaan Diinta Islaamka Loo Nisbayn Dadkii Fuliyay Weeraradii Paris
January 11, 2015 - Written by Editor:

Paris, (Wajaalenews):- Madaxweynaha Faransiiska François Hollande, oo shir jaraaid ku qabtay, xarunta looga taliyo dalkaas ee Élysée Palace lagu magacaabo, ayaa shacabka dalkiisa ugu baaqay inay midnimo qaran kaga baxaan murugada iyo dhibaatada ay ku keeneen weeraradii is xig xigay ee Paris laga fuliyay oo ilaa labaatan qof ku dhinteen.

Hollande ayaa sidoo kale sheegay in aanay xubnihii fuliyay weeraradaasi aanay xidhiidh la lahayn Islaamka, in loo nisbeeyaana aanay haboonayn, waxaanu xusay in habka kaliya ee lagaga gudbi karaa tahay midnimo qaran.

COMMENTS
LINKS