DAAWO ;Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi Oo Ka Hadlay Safarka Madaxweyne Siilaanyo, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO ;Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi Oo Ka Hadlay Safarka Madaxweyne Siilaanyo,
January 24, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa: (Wajaalenews)-Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa Markii ugu horraysay ka hadlay Safarka madaxweyne Siilaanyo iyo waftiga uu hoggaaminayaa kusoo maray Gobollo kamid ah somaliland oo uu wali ku maqan yahay.

Guddoomiye Muuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in safarkaas madaxweyne Siilaanyo uu yahay mid guul ku dhamaaday, isla-markaana xogo-ogaal loogu noqonayey Xaaladda Guud ee shacabku ku nool yihiin, “Madaxweynuhu wuxu ku jiraa Hawshiisii Distooriga ahayd ee ahayd inuu dhulka maro oo xogogaal u noqdo oo wixii marba tamari tahay uu taro oo xog iyo war lasoo noqdo, waxa uu ahaa safar dheer oo wakhti adag ku beegmay oo dadkuna si fiican uga jawaabeen ayuu ahaa, waana ku hambalyeynaynaa Umadda somaliland iyo madaxweynaba.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

COMMENTS
LINKS