|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO ; Booliska Fransiiska Oo Aqoonsaday ragga fuliyay weerarkii shalay iyo midka Mida oo isa soo dhiibay
January 8, 2015 - Written by Editor:Hay’adaha ammaanka ee dalka Faransiiska ayaa aqoonsaday raggii geystay weerarkii shalay ee ka dhacay magaalada Paris kaas oo ay ku dhinteen 12-ka qof oo lagu qaaday wargeys wax sawira oo ka soo baxa dalkaaasi. Mid ka mida dadkii weeraray Wargeyskaas ahaana qofka ugu da’da yar saddex qof oo weerarkaas geystay ayaa isu dhiibay ciidamada Booliska.Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay wakaaladaha wararka in Hamyd Mourad oo 18 jir ah uu isu dhiibay ciidanka Booliska, xilli si weyn loo baadi-goobayey shalay oo dhan isaga iyo laba nin oo kale oo walaalo ah oo loo haysto weerarkii lagu dilay 12 qof ee lagu qaaday Wargeyska. http://youtu.be/6oJ10hagjtM Xog badan lagama hayo sida uu ugu gacan galay ciidamada booliska iyo in xoog lagu qabtay iyo inkale toonna. Hamyd Mourad ayaa ka soo jeeda magaalada dhinaca woqooyi bari ku taalla ee Reims, halkaas oo wararka ka imanayaa ay sheegayaan in ciidamada la dagaalanka argagixisadu inay goobtaas ka wadaan hawlgallo kala geddisan.Baadi-goobka loogu jiro labada nin ee walaalaha ah ee la kala yidhaahdo Said Kouachi (34) iyo Cherif Kouachi (32) oo iyagu ku noolaa magaalada Paris ayaa xilligan si weyn u socda. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|