Cali Guray Oo Madaxwaynaha Somaliland U Soo Jeediyay Inuu Talaabo Dag-Dag Ah Ka Qaado Taliyaha Ciidanka Qaranka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cali Guray Oo Madaxwaynaha Somaliland U Soo Jeediyay Inuu Talaabo Dag-Dag Ah Ka Qaado Taliyaha Ciidanka Qaranka.
January 25, 2015 - Written by Editor:

Cali Guray Oo Madaxwaynaha Somaliland U Soo Jeediyay Inuu Talaabo Dag-Dag Ah Ka Qaado Taliyaha Ciidanka Qaranka.

Hargaysa(Wajaalenews)Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid ayaa Maanta Canbareeyay Falka Ay ciidanka Qaranku kula Wareegeen dhul dan Guud Ahaa oo Taliyaha Ciidanku Sida La sheegayo Iibiyay.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Gueray ayaa sheegay in Madaxwaynaha talaabo dag-dag looga baahan yahay inuu taliyihiisa ka qaado,Gacanta Shacabkana ku soo celiyo Dhulka uu seeska ku wareejiyay.

Waxa uu sheegay Mujaahid Cali Guray in Saddex Garoon oo dhalinyaradu ku ciyaario jirtay Birihii Laga Jaray isla Markaas Goobtaas Lagu Daadiyay Ciidan Aad u badan.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Waxa uu ku sifeeyay Cali Guray Taliye Qaaday Dhabadii Gaandi iyo Moorgan ee ay Dadka ugu Hanjabi jireen Ciidanka Millatariga ah waxaana uu yidhi.

“Dhulka ay Ciidanku Seeska ku wareejiyeen waxa uu ahaa Dagn Guud waxaana ku yaalay Saddex Garoon oo ay Caruurtu Kubada ku ciyaarto inta kale oo dhan dhibaato kasta ha ku ahaatee Dadkii halkaas daganaa waa laga raray oo way ka guureen,waxaanu aad ula yaabnay waxaanu soo aragnay dhulkii oo saaka dib loo qorshaystay,taas oo khariirad cusub loo samaystay.

waxa uu intaasi raaciyay Guddoomiyaha Saddexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray isaga oo hadalkiisa siiwata.

“in dhulkaas lasiiyay dad Shaqsi ah am ay ciidanku haystaan wali mahayno,Lakiin imika Ciidanka Cid walibay way Adeegsataa,Meeshana Waxaanu runtii ugu tagnay Ciidan Aad u tiro Badan oo Koofiyada Cas Ah,Anagu waxaanu rabnay ee ugu waynaa waxa uu ahaa inaanu soo eegno Garoonadii Caruurtu ku ciyaaraysay bal intii yarayd ee ku hadhsanayd iyo Halka ay ku danbaysay.

Sidoo kale waxa uu cadeeyay inaanay Caruurta iyo dhalinyarada Garoonadaas ku ciyaari jirtay aanay amniga Waxba u dhimi jirin,Balse waxa uu carab dhabay inuu indhihiisa ku soo arkay Saddexdii Garoon oo Mid Ka mid Ahi ciidanku Birihii ka jareen waxaana uu yidhi.

“Markaas waxa fidmo Meeshaasi ka taagan waxaanu dusha u saaraynaa Taliyaha Ciidanka qaranka oon Xaq isagu u lahayn inuu ku dhex milmo Dhulka waa nin Millatari ah waana ku ceeb in isaga iyo ciidan kiisu in ay dhulka ka hadlaan,Sidii Gaani iyo Moorgan Maanta Hargaysi Maaha ciidana La isku Muquurin Maayo.

Dhinaca kale waxa uu Madaxwaynaha Somaliland Uu U soo jeediyay inuu Si dag-dag ah wax uga qabto Xaalada Adag ee Ka taagan Xaafada Masalaha ee duleedka Koonfureed ee Magaalada Hargaysa,amarna ku siiyo sida uu cali guray sheegay inuu Taliyuhu burburiyo Seeskaas uu isagu dhisay.

 

“Dhulkaasi waa inuu danguud ahaado oo sidii u banaanka u ahaa lagu daayo Caruurtii iyo dhalinyaradii ku ciyaari jirtayna Loodaayo,waxaana la doonayaa inuu Madaxwaynahu go’aan dag-dag ah qaato oo isagu amar ku bixiyo taliyihiisana u sheego inuu Baabiiyo Seeskaas Meesha laga dhisay.

Waxa uu dawlada Hoose ee magaalada hargaysa ku edeeyay hadaanay Qayb ka ahayn Dhulkaas Ciidanku haystaan in ay ka hadlaan,isaga oo Shaki galiyay Cali Guray in ay qayb ka yihiin iyaguna.

 

COMMENTS
LINKS