|
|||||
WAJAALE NEWS
BOQORKII ABAALKA XUMAA ?
January 6, 2015 - Written by Editor:Waxa jiri jiray Boqor cidda uu la coloobo, waxa uu u tuuri jiray EEY meel god ah ku xaraysan. maalintii danbe ayuu Boqorkii wasiirkiisii madaxtooyada la coloobay, kabacdina waxa uu Askartiisi uu ku amray in EEY-dii loo tuuro, Wasiirkii waxa uu boqorkii ka codsaday in muddo 10 casho ah la siiyo, kabacdina EEY-da loo tuuro. wasiirkii waxa uu u tegey askartii EEY-da waxsiin jirtay ee ilaalin jirtay, waxa uu ku yidhi muddo 10 casho ah, ayaan fasax idin siiyay, intaana Aniga EEY-da wax sii siin doona. Wasiirkii halkii buu EEY-dii muddo 10 casho ah ku xanaaninaayay. Kabacdina wuu soo noqday maalintii ay balantu ahayd in EEY-da loo tuuro. Boqokii waxa uu amar ku bixiyay in wasiirkiisii madaxtooyada EEY-da loo tuuro. Hadaba waxa dhacday markii wasiirkii EEY-dii loo tuuray, EEYdii way ku soo yaacday oo gacmihiisii bay leef leeftay, kabacdina wuu la ciyaaray. Boqorkii inta uu yaabay ayaa waxa uu askartiisii ku amray in wasiirka godka laga soo saaro, kabacdina waxa uu waydiiyay waxa dhacay ee ay EEY-du u cuni wayday. Waxa uu wasiirkii u sheegay Boqorkii, in uu 10-kii casho ee uu maqnaa, uu EYdan wax siin jiray lana saaxiibay una shaqaynaayay, sidaa daraadeed EYdu waxa ay ilaawi kari waayeen 10-kii casho ee uu u adeegaayey ee uu la saaxiibay, ADIGOON oo aan 10sano kuu shaqaynaayayna abaalkaagii wuxuu noqday EYda u tuura. Markaa waxaan ogaaday in ay EYdu ku abaal dhaanto
Qalinkii Cabdiraxmaan Cismaan ISBATOORE COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|