Yaa Bixiyey Amarka Xadhiga Dhalinyarada JIIDALI … Xaqiiqo-raadintii Madasha Wada-tashiga + Xuub isku Qarintii Waran-cadde Iyo Xeer-ilaaliyaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Bixiyey Amarka Xadhiga Dhalinyarada JIIDALI … Xaqiiqo-raadintii Madasha Wada-tashiga + Xuub isku Qarintii Waran-cadde Iyo Xeer-ilaaliyaha
December 1, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Siyaasiyiinta Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha gudaha oo uu weheliyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku, ayaa shalay kulan aan saxaafaddu goob-joog ka ahayn ka yeeshay xidh-xidhista Hogaanka Ururka Dhalinyarada ee Jiidali oo ay Ciidamada Boolisku dhawaan ka taxaabeen Hudheelka Crown iyo goobo kale oo ay kulamo ku lahaayeen.

Kulankan oo sida uu Wargeyska Yool ka helay Ilo-wareedyo labada dhinac ku dhadhow ka dhacay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa la sheegay inay xubnaha Madasha wada-tashiga iyo toosinta oo u dhamaa kulankaasi ilaa hogaankooda iyo dhanka Masuuliyiinta dawladda oo kala ah wasiirka Daakhiliga Cali Waran-cadde iyo Xeer-ilaaliyaha Guud Xasan Axmed Aadan, shirkaasi kaga wada hadleen sababta loo xidhay Dhalinyaradaasi iyo cida ay u xidhanyihiin.

DHalinyarada xidhan jidali

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay labada Geesood midkoodna, oo ku saabsan arrinta ay ka wada hadlayeen iyo inay meel wax isla dhigeen iyo in kale toona, hase ahaatee wararka Wargeysku ka helay shirkaasi, ayaa lagu sheegay in Wasiir Cali Waran-cadde iyo Xeer-ilaaliyaha guud-ba iska- leexiyiin ku lug-lahaanshiyaha xadhiga Dhalinyartan.

Illuhu may xusin cida ay Labada masuul ee xukuumaddu isaga duween xadhiga dhalinyaradan oo loogu sibir-saaray masuuliyadaha ay hayaan oo food-saaro looga dhigay inay iyagu ka dambeeyaan, si gaar ahna loogu tuhmayo Wasiirka Arrimaha gudaha oo isugu ka masuul ah amniga iyo arrimaha Daakhiliga, la’aantiina aanay Ciidamada Boolisku inta badan iska xidh-xidhin dad aan wax dambi ah faraha kula jirin, balse xaasaasiyad siyaasaddeed ama shaki aan dallo cad loo haysanin awgood loo xabsiyo, si cadaadis loo saaro.

Sidoo kale, lama oga inta ay le’egtahay Kalsoonida ay xubnaha Madashu ka qaateen jawaabta Madaxda Xukuumadda ay ka bixiyeen xadhiga dhalinyarada todobaadkii hore la qabtay, iyo Guddoomiyihii Ururka oo isaguna saddex todobaad xidhan, balse waxa warku intaas ku darayaa inay is-qanciyeen labada dhinac.

hogaanka jiidali

Geesta kale, sida ay Wargeyska u xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Eheleddoodu, Saddexdii Wiil ee todobaadkii hore la xidhay, ayaa laga wareejiyay Saldhiga Ibraahim Kood-buur oo habeenkii la qabtay lagu xabisay, loona wareejiyay saldhig kale oo magaalada ah, iyadoo aan ilaa hada wax Maxkamada la saarin, isla markaana ay Saldhigyad aiaka jiraan muddo Todobaad ah.

Ma cadda sababta saldhigyada looga wareejiyay iyo meesha loo qaaday toona, waxaase la tilmaamayaa inay talaabadan wareejintu ka soo fushay Taliska Booliska, oo Iyaga laftoodu aan wax tafaasiil ah ka bixin dambiyada loo haysto dadkaasi.

Asxaabta Mucaaridka ah, u doodayaasha Xuquuqal-aadamaha ee Somaliland iyo qaybo ka mid ahwaxgaradka, ayaa si kulul u cambaareynayey xadhiga Dhalinyaradan, waxaanay ku tilmaameen talaabo lagu cabudhinayo xoriyaadka Dastuuriga ah ee Shacbiga.

 

COMMENTS
LINKS