“Xukuumaddani Waxay Taqaan Ficiltanka Shakhsiyaadka…Anigu ku Dambaabi Maayo….Waxaan Garan Waayay Meesha La Iga Haysto…” Faadumo Siciid Oo Sheegtay In Hay’addii ODHA La Xayiray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xukuumaddani Waxay Taqaan Ficiltanka Shakhsiyaadka…Anigu ku Dambaabi Maayo….Waxaan Garan Waayay Meesha La Iga Haysto…” Faadumo Siciid Oo Sheegtay In Hay’addii ODHA La Xayiray
December 14, 2014 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews).la taliyaha Guddoomiyaha xisbiga Waddani Ee arimaha dibada marwo. Faadumo siciid Ibraahin Ayaa sheegtay in Dawlada somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne siilaanyo ay xayirtay Haayadii samafalka ee ODHA oo ay iyadu gudoomiye ka ahayd.

Marwo, faadumo siciid oo maanta waraysi khaasa siisay shabakada wararka ee Gobanimonews.com ayaa ugu horayn waxay ka hadashay Aragtida shakhsiyaad iyo ta xisbiga waddani Ee shirkii dhawaan ka dhacay magaalada haragaysa, oo ay soo Abaabushay Dalada Dhalin yarada Sonyo ,kaas oo lagu sheegay inuu yahay shirweyne loo qabtay dhalin yarada somaliland,fadumo siciid ayaa sheegtay inay wax fiican tahay in la qabto shir dhalin yaro laakiin shirkaasi laga duway majarahiisii loo agaasimay, iyada oo sheegtay in ay ahayd inay ka soo qayb galaan gobalada dalka islamarkaana ay ahayd in ka soo qayb galaan asxaabta siyaasada , shirkadaha iyo aqoon Yahanada dalku oo dhami balse aanay dhacin taasi waxaanay sheegtay in shirkaasi la siyaasadeeyay.

faadumo siciid oo ka hadlaysay sababta ay uga maqnaatay shirkaasi waxa ay sheegtay in dhalin yarada sonyo, ay u sheegeen in hadii xukuumadu ku aragto ay cidhiidhi badan saarayso islamarkaana ay iyadu door biday in aana car qalada galin shaqada dhalin yarada sonyo sababtaana aan loogu casuumin shirka, waxaanay tidhi.

maya la iguma casuumin waanan garanayaa sababta anuu in badanbaan la shiray dhalin yarada sonyo markaa waxay igu yidhaahdeen marka xukuumadu nagu kaa aragto car qaladbay nagu keenaysaa, markaa waxaanu ku heshiinay in aan ka maqnaado kol hadii aan hooyo ahay hooyaduna ay wixi carurteeda u dana ayay yeelaysaa, laakiiin maan filay in sonyo noqoto wasaarada ka mida xukuumada,

faadumo siciiid geesta kalana waxay ka sheekaysay in taariikhda Dalada Sonyo iyada oo sheegtay inay ka mid ahayd aasaasayaashii dalada sonyo,dhinaca kale marwo. faadumo ayaa sheegtay in qodobadii ka soo baxay shirka loo baahan yahay in dib loogu fiirsado sidii ay ku so baxeen qodobaasi, iyada oo sheegtay in la eego xaalada dhalin yarada dalka somaliland, oo ay ka dayrisay.

sidoo kale faadumo siciid ibraahin waxay ay sheegtay in xukuumada siilaanyo ay Albaabada iskugu laabtay Haayadii samafalka dhalin yarada somaliland,ee ODHA oo ay iyadu ka gudoomiye ka ahayd taas oo ay sheegtay in ay xukuumadu saartay Xayiraad ka dhan ah iyada oo ka hadlaysan waxay tidh,

, Horta dawladani waa dawlad yar oo iska cajiiba ma ogtahay waxaan garan waayay ficilka shakhsiyaadka aadbay ugu dheereeyaan, aniga faadumo ahaan waxaan garanwaayay meesha la iga haysto,anuu maanta kuma danbaabayo Axmed Siilaanyo oo madaxweyanihii somaliland ah ayaa faadumo siciid la ficiltamaya waa wax afka ka weyn maalinta ay dawladu xilka lawareegtay ee ay kursiga ku fadhiisatay waa kii Xirsi ii yeedhay ee igu yidhi faadumay waxan doonayaa inaad soo wareejiso jaamacadii aan anuu aasaasay ee berbera waa tii la ogaa wixii ka dhacay, waxa ku xigay xaruntii agoomaha waxa ku xigay mijicaseeye iyana waan u daayay ,intaa kumay joogine waxa la iswaydiiyay waa tanoo wayba dhaqaayasaaye waa xagee markaa waxay yidhaahdeen waa in laga xidhaa haayadan ODHA ka manay fikirin imisa dhalinyaro ah ayaa ka shaqeeya ee way xayireen markaa gaadhigaba marka liisanka laga xayiro meelbaa la iska dhigaa markaa ana waan iska dhigay marka ay dawlada caadiyihi dhalatana waan soo saaridoonaa, markaa hada ma shaqayso haayadi ODHA. ayey tidhi marwo Faadumo siciid

COMMENTS
LINKS