Xukuumadda oo ku Guulaysatay Inqilaabkii SOLJA Samaysayna Jeedalkii Ay La Dhici Lahayd Saxaafadda Xorta ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda oo ku Guulaysatay Inqilaabkii SOLJA Samaysayna Jeedalkii Ay La Dhici Lahayd Saxaafadda Xorta ah
December 25, 2014 - Written by Editor:

Guddoomiyaha Cusub ee loo Doortay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ma Hanan karaa Xilka loo Doortay

Yaa ka dambeeya in Guddoomiyaha Cusub ee Solja noqdo Hoggaanka Ururka?

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa  noqday  Guddoomiyaha cusub ee SOLJA

HARGEISA(Wajaalenews);hoggaamin doona daladda Suxufiyiinta Somaliland, kadib markii Huteel Ambassador ee magaaladda Hargeysa.uu Ururku ku qabsaday shirweynihii shanaad.

hogaanka xukuumadu u dhiibtay solja

Shirka hoggaanka cusub ee ururku yeelan doono lagu doortay oo socday tobban saacadood, ayaa waxa ugu dambayntii lagu doortay Guddoomiye, Ku-xigeen, Xoghaye iyo shan iyo tobban xubnood oo ah Guddida fulinta ee Ururka SOLJA.

Sii kasta ha ahaatee, hoggaanka cusub ee la doortay ma yahay kuwo aqoon iyo waayo aragnimo u leh shaqadan? isla markaana waxay dadku u dhag-taagayaan kooxdan cusub ee la doortay Ururka ma ka saari doonaan khilaafkii iyo dib-u-dhicii raggaadiyey, taasoo keentay in gebi ahaanba Ururku aanu si hab-sami leh u qabto hawlihii uu u igmanaa.

Haddaba, Xukuumadda Somaliland oo ayaa tan iyo markii ay la wareegeen talladda iyo hoggaanka dalka ay si badheedh ah jeelasha ugu gureen saxafiyiin farabadan iyo wargeysyo madax banaan oo loo awood sheegto, wax sharci ah oo lagu xidhana aan loo haysan, arrintaas oo keentay in wariyuhu aanu si fiican u tabin wararka biyo-kama-dhibcaanka ah ee xaqiiqda ku salaysan, maqnaanshaha Ururkii Suxufiyiinta Somaliland oo meesha ka maqan awgeed, taasoo ka mid ah hawlaha iyo ujeedooyinka loo aasaasay.

Xukuumadda Somaliland, ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay warbaahinta madaxa bannaan ay ku soo rogi doonto in cashuur laga qaado, taasoo keentay in Xukuumaddu u fikirto siday xeerkaas u dhaqan gelin lahayd, isla markaana doorashada Guddoomiyaha cusub ee SOLJA uu qayb ka yahay awoodaha ay u adeegsan doonto siday ugu meel marin lahayd xeerkaas, kadib markii olole ay Xukuumaddu dabadda ka riixayso lagu dirqiyey in mas’uuliyiintii hore loogu awood sheegtay iska tiriyaan xilka, isla markaana lagu wareejiyo wakiil si weyn ugu xuub-siibtay la shaqeynta dawladda iyo inuu noqdo karbaashka lala dhici doono suxufiyiinta cid iyo ciirsiga la’a.

Marka laga yimaad dhammaan qodobadaas aan kor ku xusay, ayaa waxaad akhriste kala soo dhex bixi doonta sida saxaafaddii ugu af-duuban tahay Xukuumadda, iyadoo horena ay si siyaasadaysan u adeegsadeen warbaahinta, gaar ahaan mulkiilayaasha dhawr wargeys oo xilal loo magacaabay, taasoo ujeedadeedu tahay sidii Xukuumadda looga yaryan lahaa in wax laga sheego ama bulshada loo iftiimiyo dhaliileheeda, sidoo kale mas’uulkan cusub ee Ururka SOLJA loo doortay oo ah Guddoomiyaha Waaheen, ayaa hore isagu u muujiyey in aanu gebi ahaanba qallinka u qaadan wax dan u ah bulshada ama in uu wax ka iftiimiyo warar xaqiiq ah oo ku saabsan dhaliilaha Xukuumadda.

Ugu dambayn, haddii Xukuumaddu ay gebi ahaanba awood u yeelato inay gacanta ku dhigto Ururkii u dambeeyey ee hantida u ahaa Suxufiyiinta, ayaa waxa la is waydiinayaa suurtogalnimadda sidii loo heli lahaa saxaafad xor ah oo tabisa warar la hubo, taasoo ay noqon doonaan la-haystayaal kaliya qora ama baahiya warar Xukuumaddu soo kala shaandhaysay, sidaa daraadeed waxa gebi ahaanba sidoo kale meesha ka bixi doona in daboolka la saaro arrimo farabadan oo muhiim u ah in bulshadu wax ka ogaato ama kala socoto.

Saxaafadda Somaliland oo ah kuwo inta badan aan helin wax dhaqaalle ah, isla markaana ka arraddan in loo yabooho tababaro iyo mashaariic lagu kabayo, ayaa haddana inta badan waxay hadh iyo habeen u ordayaan siday wararka xaqiiqda ah u gaadhsiin lahaayeen bulshadooda, taasoo la odhan karo inay shaqada ku qabtaan si mutadawacnimo ah oo aan waliba lahayn saacado go’an, balse wakhti kasta iyaga oo aan haysan adeegyadii ay u baahnaayeen, haddana si xil-kasnimo leh u guta waajibaadkooda.

Baaq:

Muwaadin kasta oo u dhashay Somaliland in uu ka gilgisho inqilaabka aan dhiigu ku daadan ee Xukuumaddu kula kacday Ururka masaakiinta danlayda ah ee sida daacadnimada ah Qaranka ugu shaqeeya, kadib markii xubin ka mid ah oo aan aqoon badan u lahayn saxaafadda awood dhinac dhaqaalle iyo cududba loogu magacaabay xilkaas, maamulkii horena gebi ahaan meesha laga saaray.
WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS