Xoogagga Mujaahidiinta Xamaas Oo Laga Saaray Liiska Argagaxisada Oo Hore Loo Geliyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoogagga Mujaahidiinta Xamaas Oo Laga Saaray Liiska Argagaxisada Oo Hore Loo Geliyay
December 17, 2014 - Written by Editor:

Brussels:(Wajaalenews)-Dagaalyahaniinta Xaq u dirirka ah ee Xamaas ee Reer Falastiin, ayaa waxa laga saaray Liiska Argagixisada ooh hore loogu daray.

xamaas 2

Maxkamad ay leeyihiin Dalalka Reer Yurub, ayaa ururkaas ka qaadday Xayiraaddii saarnayd, taas oo la saaray Sanado ka hor markii lagu sheegay inay Argagixiso yihiin.

Garsoorayaashii maxkamaddu waxa ay sheegeen in go’aanka argagixisada lagaga dhigay aanu ku salaysnayn qiimayn lagu sameeyay ficiladooda balse ay ahayd mid laga tixraacay dhaleecayno looga soo jeediyay saxaafadda iyo Internetka.

Laakiin Maxkamadu waxa ay sheegtay in wali ay sii socon doonto xayiraadihii maaliyadeed ee saarnaa muddo saddex bilood ah ama racfaanka laga soo xidhayo.

Xamaas waxa ay maamushaa Qaza inteeda badan wayna badhtamihii sanadkan dagaal 50-maalmood socday la gashay Israa’iil.

 

 

COMMENTS
LINKS