Xoghayihii Maaliyadda Ee Xisbiga Ucid Marwo Faadumo Siciid Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay Kuna Biirtay Xusbiga Waddani | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayihii Maaliyadda Ee Xisbiga Ucid Marwo Faadumo Siciid Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay Kuna Biirtay Xusbiga Waddani
December 1, 2014 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews):-Xoghayahii hore ee maaliyada xisbiga mucaaradka ah ee UCID Marwo: Faadumo Siciid ayaa maanta si rasmi Ah u shaaciysay in ay ku biirtay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Marwo:Faadumo Siciid ayaa hadalkan ka sheegtay mar ay maanta ka soo dagaysay garoonka diyaaradaha ee cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa ka dib socdaal muddo bilo ah oo ay hore ugu maqnayd dalka dibadiisa.waxaana halkaasi si balaadhan ugu soo dhaweeyey masuuliyiinta sar sare ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI,Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale,guddoomiye ku xigeenka shanaad,Md:Xasan Cod-yare,Marwada guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Marwo:Farduus Maxamed Rooble,Mujaahidad Sahra Halgan,Haween,Dhalinyaro iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.

Intaa ka dib oo ay marwo Faadumo Siciid ay qolka nashaqada ee madaarka Hargeysa warbaahinta kula hadashay ayaa waxaa ay hadal kooban ku sheegtay in ay hada ku sooo biirtay xisbiga WADDANI,waxaana ay tidhi:“Kolay inaan is Casilay waad Maqasheen oo aanan Faah-faahin ka bixin u jeedada aan isu casilay WADDANI-na In aan ku Soo biiray waad Arkaysaanba”Ayey tidhi Marwo Faadumo Siciid.

Xoghayahii Faadumo Siciid oo sida oo kale hadalkeeda sii wadata ayaa waxaa ay faah faahin ka bixisay u jeedka safarkeeda ay dalka dibadiisa ugu maqnayd,waxaana ay si xooga xukuumada Somaliland ay ugu canaanatay habacsanaan ay sheegtay in ay k muuqato Siyaasada arrimaha dibada ee dalka,waxaana ay carabka ku dhufatay in meel kasta oo la tago Somaliland laga aamin san yahay oo qudha in ay tahay maamul gobaleed,iyada oo sida oo kalena wasiirada xukuumada Siilaanyo ku eedaysay in marka ay shirar ka qayb galayaan ay kaliya kaga qayb galaan iyaga oo matalaaya in ay Somaliland ay tahay maamul gobaleed ka tirsan waxii layskuo dhan jiray Somaliya.

“Safarkaygii qaatay Labada bilood,waxaa ku soo maray dalka Turkiga iyo Kuwayta,dalka Turkiga laba siyaabood-ba waan u tagay.In aan soo arko xaalada ay ku sugan yihiin dhalinyarada dalkaas wax ka barata,maanta ka maynu war-warneen caruurta halkaas wax ku barata haday Somaliland,Turkiga ku leedahay safaarad.Waxaan lasoo qaatay shir waxaanan usoo jeediyay talooyin.Meel kasta oo aan safarkayga ku marayey waxa lay lahaa anagu dooni mayno Inuu khilaaf Soo kala dhex Galo madaxda dalka”Ayey tidhi Faadumo Siciid.

Faadumo Siciid Oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay tidhi.“Ta-aad iyo aadka caalamku uga xumaaday waxa weeyaan saxaafadan la xidh-xidhaayo,cabudhinta bulshada lagu hayo ee waxa loo xidh-xidhayo aan La garanayn,dhalinyaradii joogtay caalamkuna waxa ay leeyihiin maxaanu dalkii ku noqonaa hadii uu xadhig nagaga horeeyo.Markaan dalka barigii hore ka baxo waxa la odhan jiray Somaliland waa dal nabad ah maantana anaga oo dukhsi ka yar ayaanu dalka ku soo Noqonay”.

Dhinaca kale Faadumo Siciid waxa ay ka hadashay Siyaasada arrimaha dibada Somaliland oo ay sheegtay in Kaalintii beesha caalamka Somaliland ka Aaminsanayd Ay gabtay.

“Somaliland dalka dibadiisa waxa ay ka tahay maamul goboleed ninkii hadlayaaba ha hadlee, Somaliland dibada waa ka maamul goboleed ka tirsan dawlada Somaliya.Anaga ayaa xaqiiqada soo taabanay soona aragnay sida uu xaalku yahay,wasiiradeenuna Iyaga ayaa ugu wacan,markastana dhex fadhiista shirarka Somaliya”

Dhinaca kale Xildhibaan Baar Siciid iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay si aada ay Faadumo Siciid ay ugu soo dhawaynayaan Xisbiga WADDANI,waxaana ay tilmaameen in ay rajaynayaan in Faadumo Siciid ay kaalin muhiim ah ay ka ciyaari doonto xisbiga WADDANI.

 

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS