Xasuuqii Saddexaad Oo Kooxo Hubaysani ka Fuliyeen Gudaha Kenya iyo Tirada Dad Shacab ah Oo Saf-mar Loo Laayey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xasuuqii Saddexaad Oo Kooxo Hubaysani ka Fuliyeen Gudaha Kenya iyo Tirada Dad Shacab ah Oo Saf-mar Loo Laayey
December 3, 2014 - Written by Editor:

Wajeer:(Wajaalenews)-Wararka laga Helayo Gudaha Dalka Kenya, gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari, ayaa sheegaya in Xasuuqii Saddexaad oo lagu laayey shacab aan waxba galabsani goor dhaweyd uu halkaas ka dhacay.

Xaquuqan ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay Goob dhul beereed ah oo u dhexaysa Degmooyinka Wajeer iyo Gaarisa, waxana si saf mar ah loo laayey dad halkaas ku noolaa.

xasuuqii kenya

Dadka la laayay, ayaa waxay ahaayeen beeraley laga soo uruuriyay deegaanka Madow-gaashe, waxaana 15 ka mid ah si saf mareen ah looga wada toogtay madaxa.

Dadkii wax laynayey ayaa la sheegayaa inay iska cafiyeen dad ka mid ahaa beeraleyda, ka dib markii ay noqdeen Muslimiinta Kenya. Dadkaan waxaa la soo sheegayaa in wax laga weydiiyay Qur’aanka Kariimka, isla-markaana ay akhriyeen.

Xoogaggan wax laayey ayaa la soo sheegayaa in weerarka ka dib ay isaga taggeen deegaanka Madow-gaashe, oo ay isugu soo baxeen boqolaal ka mid ah dadka deegaanka.

Al Shabaab, ayaa waxay muddooyinkaan dambe kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya, iyagoona dalbanaaya in Ciidamada Kenya laga saaro Somaliya, balse haatan wali Shabaabku weerarkan dambe kama ay hadlin.

Shalay ayaa Goob u dhaw Magaalada Mandhera ee Gudaha dalka Kenya, waxa ay Shabaabku ku Layeen 36-qof oo shacab ah, waxana uu arrintaas madaxweyne Kenyata kaga jawaabay inuu Caydhiyo Wasiirkiisii arrimaha Gudaha, isla-markaana uu is casilo Taliyihii Guud ee Ciidanka Booliska Kenya.

 

COMMENTS
LINKS