|
|||||
WAJAALE NEWS
Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Kulamo La Yeeshay Madax Sare Oo Ka Tirsan Waddamada Kenya Iyo Ethiopia
December 15, 2014 - Written by Editor:Adis Ababa(Wajaalenews) wakiilka Somaliland ee dalka Ethiopia Ayaanle salaad Deriye ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga xogwaramay waxyaalaha u qabsoomay wefti Somaliland ah oo uu hogaaminayey wasiirka Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka Arimaha gudaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Maxamed warancade oo ay ku wehelinayaan Taliyaha sirdoonka Somaliland, Jaamac maxamed Botan, ayaa soo gaadhay magaalada madaxda Addis Ababa Ethiopia, iyaga oo ka soo kicitimay wadanka kenya magaalo madaxdiisa Nairobi, halkaasi oo ay ku tageen safar shaqo kulamana kula qaateen safaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska iyo madax kale.
Wasiirka iyo weftigiisu intii ay ku sugnaayeen Addis -baba waxay kulamo gooni gooniya la yeesheen madax sarsare oo ka tirsan xukuumada Ethiopia, sida wasiirka arrimaha gudaha iyo federal ka Dr. Shiferaw Teklemariam, Taliyaha guud ee cidamada Ethiopia, Gen samora yenus iyo maayirka Caasimada Addis Ababa mayor kuma demksa. kulamadan oo ahaa kuwo hore loo sii qorsheeyey waxaa lagu qaadadhigay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Ethiopia iyo somaliland sida nabadgelyada, horumarka, iskaashiga Kulamadan oo qaatay saacado badan waxaa si buuxda Laysula qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal meelna looga soo wada jeedo wixii wax u dhimaya nabadgelyada iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ee Ethiopia iyo somaliland iyo ta geeskaba.
Ayaanle salaad Deriye Wakiilka somaliland ee Adid-ababa Ethiopia
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|