Wasiirka Madaxtooyada oo dalka ku soo laabtay,kana warbixiyey Safarkii uu ku tagey Turkey-ga‏ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Madaxtooyada oo dalka ku soo laabtay,kana warbixiyey Safarkii uu ku tagey Turkey-ga‏
December 5, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews) Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland Xirsi xasan Xaaji Cali ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,kadib safar kooban oo qaatay mudo Toddobaad ah kaas oo uu ugu baxay dalka Turkiga gogol xaadhka wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayo inay dib u bilowdaan,waxaan safarka wasiirka madaxtooyada ku wehelinayay wasiirka arrimaha dibada mudane Maxamed Biixi Yoonis.

Qoraal uu Wasiirka madaxtooyadu uu soo dhigay Blog-ga uu ku leeyahay barta Internetka ayaa u dhignaa sidan:

Illahay Ayaa Mahadleh Safar Mudo Todobaad Ah Qaatay Kadib Dalkaygii Igu Soo Ceshay.

“Xukuumada Somaliland Marwalba Waxaa Ka Go’an Xaqiijinta Rabitaanka Shacabka Somaliland Oo Ku Dhisan Afti Shacab Iyo Rabitaan Umadeed”

Waxay ahayd abaaro Shantii galabnimo “5pm” Kadib markaan soo nabad gaadhay Garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport.

Guud ahaan safarkan oo qaatay mudo todobaad ah ayaan ku joogay dalka Turkey-ga halkaas oo aan aniga iyo Wasiirka Arrimaha dibeda Jamhuuriyada Somaliland Mud, Maxamed Biixi Yoonis u tagney gogol xaadhka iyo samaynta Agende-yaasha Shirka wada hadalada dawladaha Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaliya .

Socdaalkan shaqo ayaa noogu soo dhamaaday si haboon isla markaana aan soo gaadhnay ujeedooyinkii aanu u tagney.

 

Sida aad la socotaan dawlada Turkey-gu waxay xil weyn iska saartay wada hadashiinta dawladaha Somaliland iyo Soomaliya si dawlad walba miiska u keento Masiirkeeda Mustaqbal .

Xukuumada Somaliland-na marwalba waxaa ka go’an xaqiijinta rabitaanka shacabka Somaliland oo ku dhisan afti shacab iyo rabitaan umadeed.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

 

COMMENTS
LINKS