Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Shaaca Ka Qaaday In Xukuumaddu Gunaanadday Jawaabtii ay Ka Bixin Lahayd Tabashada Reer Awdal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Shaaca Ka Qaaday In Xukuumaddu Gunaanadday Jawaabtii ay Ka Bixin Lahayd Tabashada Reer Awdal
December 21, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay inay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo, ay tahay mid Bulshada Somaliland oo dhami u siman tahay oo aan cid gaar ahi ku dheefaynin khayraadka dalka ee ay gacanta ku hayso.

Wasiir Warancadde oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Xukuumaddu tahay mid shacabka ka timi, isla-markaana loo wada siman yahay,

“Runtii Dawladda waa Dawlad Umadda reer Somaliland u dhalatay oo ka dhalatay, waxay diyaar u tahay in Si Caddaalad iyo Sinnaan ah ay Bulshada Somaliland , hadday Gobol tahay iyo hadday degmo tahay iyo hadday qaran tahayba inay waxa Hanti iyo Khayraad ah ee waddankani leeyahay in Xukumadda uu hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu diyaar u yahay in si caddaalad ah oo sinnaan ah loogu qaybiyo”ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

Wasiirka Daakhiliga oo Hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Madaxweyne Siilaaanyo Diyaar u yahay bogsiinta tabashada reer Awdal “Waxa kale oo runtii Diyaar loo yahay, horena loogu ahaa, haddana dhamaad ku dhaw sidii loo xallin lahaa tabashooyinkii Bulshada reer Awdal ama Salaadiintu soo gudbiyeen oo runtii dhamaad ah, iyadana wixii laga qaban karayo in laga qabto ayuu Madaxweynaha Somaliland diyaar u yahay si Bulshadu waxay tabanayso loo bogsiiyo” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu baaq u diray Suldaan Wabar-ka duurka galay oo usoo jeediyey inuu Bulshadiisa wanaaga jecel dhinaca ka raaco, waxana uu yidhi, “Suldaan Wabar waxaan ugu baaqayaa inuu ka mid noqdo Bulshadiisa wanaagsan ee Gobta ah ee Reer Boorama oo uu Bulshadiisa dhinac ka raaco, fadqalalada iyo waxyaabaha dalka dhibka ku keeni karana ka waantoobo”

Wasiirku waxa uu Salaadiintii shaacisay inay ka dhan yihiin Mawqifka Suldaan ku ammaanay Wanaagga ay muujiyeen iyo sida ay uga dhabeeyeen Magaca ay Bulshada u sidaan, waxana uu isagoo arrintaas ka Hadlaya yidhi,“Waxaan jecelahay inaan halkan uga mahadceliyo Salaadiintii,Cuqaashii iyo waxgaradkii Reer Awdal ee sida qiimaha leh oo waddaninimo leh oo Ehelnimo leh uga hawl galay Shaqaaqadii yarayd ee Gobolka Awdal iyo sidii ay uga hadleen, waxaanan leeyahay waad mahadsan tihiin”

COMMENTS
LINKS