Wasiir Caddami Oo Sheegay In Guulo Laga Gaadhay Xiisadda Awdal iyo Madaxweyne Xigeenka Oo Ka Soo Laabtay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Caddami Oo Sheegay In Guulo Laga Gaadhay Xiisadda Awdal iyo Madaxweyne Xigeenka Oo Ka Soo Laabtay.
December 21, 2014 - Written by Wariye:

wasiir cadamiBoorama(Wajaalenews):-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, oo ka tirsan Weftiga Xukumaddu u dirtay dejinta Xiisadda Awdal, ayaa sheegay in Wefti Wasiiro ah oo sii joogay,Wefti Madaxweyne xigeenku hogaaminayay oo dhawaan gaadhay iyo Hogaanka dhaqanka Awdal si wada jir ah oo ah sida ugu miyir badan uga hawl galeen Xaaladda Awdal ka taagnayd islamarkaana la isku waafaqay in Xasaradda Degaankaasi ka taagnayd ku gaar ahaato Suldaan Wabar.

Waxa uu sheegay in Bulshada oo ay Kulamo gooni gooni ah la yeesheen ay isla garteen in Fikirkaasi gaar u ahaado Suldaan Wabar “Weftigii halkan yimid iyo Weftigii Madaxweyne ku xigeenka waxaa la iskugu tagay laguna guulaystay iyadoo lala kaashanayo Salaadiinta mandaqada tan Madaxdhaqameedka u ah oo Sharciyaysan, oo qoran oo tiro kooban oo xaddidan ah anagoo la kaashanayna waxaa lagu guulaystay in Nabaddii halkeedii lagu soo celiyo, In Cidii bilawday Fidmada ay isaga gaar ku ahaato oo aanay Reero iyo Beelo midna aanay ku milmin, Guushaas waa la gaadhay oo aan ahayn mid laga beensheegayo ee ay tahay mid ay ka marag kaceen Umadda degaankan joogtaa” ayuu yidhi Wasiir Caddami.

Dhanka kalena Madaxweynaha ayaa lagu soo sagootiyay Boorama isagoo dhanka iyo Hargeysa u soo guryo noqday ka dib markii uu maalmo ku sugnaa halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula yeeshay Madaxda dhaqanka,Saxaafadda iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan oo lagala hadlayay dejinta xaaladda.

Xaaladda amaan ee Boorama ayaa haatan ah mid degan ka dib mudo haraado sahlan iyo guux lagu diidan yahay Ciidanka Xukumaddu halkaasi u dirtay oo maalmo ka aloosmay.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS