|
|||||
WAJAALE NEWS
Cidamada Xeebaha Sanaag oo Xidh-xidhay Doonyo ka Kaluumaysanayey Maydh.
December 15, 2014 - Written by Wariye:Ceerigabo(Wajaalenews):- Ciidanka Xeebaha Gobolka Sanaag Ayaa Waabberigii shalay gacanta ku soo dhigay Toddoba Doonyood oo Kalluumaysi lagana leeyahay Dalka Yemen kuwaasi oo ka Kaluumaysanayey Marsada Magaala-xeebeedda Maydh ee gobolka Sanaag, Ciidamada ayaa Doonyahaasi u soo dhaadhiyey Dhinaca Magaalada Berbera. Wakiilladii doonyahaas qaarkood oo iyagoo ku sugan magaalada Maydh khadka telefoonka nagula soo xidhiidhay ayaa sheegay in doonyahan oo sifo sharci ah badda uga kalluumaysaayey ciidanka ilaalada xeebuhu saqdii dhexe xalayto qabteen una taxaabeen dhinaca Berbera sidoo kalena doonyahaas sahaydii iyo isgaadhsiintii ciidanku kala degeen “Doonyahani oo haystey jiiwannadii cashuurta iyo ruqsaddii kalluumaysiga ayaa 3-dii habeennimo xalayto ciidanku mireen oo kaxaysteen waana la baadhay doonyihiin mid caddillaydna moobilladii iyo raashinkiiba waa lagala degey”. Sidaas waxa yidhi Maxamed Cumar Bulxan, isagoo ka jawaabayey su’aal ku saabsan sababta ciidanku u qabteen doonyahaasna wuxu yidhi “Waxay leeyihiin waa Jiriif laakiin mamnuuc ah laakiin hadday jiriif yihiin iyo hadday wax kale yihiinba wasaaradda kalluumaysiga ayaa ku shaqa leh ruqsaddii kalluumaysigana doonyuhu way haysteen”. Guuleed Yuusuf Cabdi oo isaguna ka mid ahaa wakiillada goobtaas ku sugnaa ayaa wuxu yidhi “Doonyahaas waa nalaka cashuurya Rasiidhkii cashuur qabashada iyo ruqsaddii baddana waa nala siiyey waana doonyihii hore oo 22 sano imanayey meesha markaa 3-dii habeennimo ayaa doonyihii loogu tegey meesha la yidhaahdo Saleekhaad oo moobiladii iyo lacag waxay haysteen iyo raashinkii iyo shidaalkiiba laga urursaday wax Berbera gaadhsiiya uun baa lagu kexeeyey iyagoo wax ay geysteen aanay jirin”. Maayorka Degmada Maydh Xuseen C/raxmaan Sh-Siciid Oo isagoo kusugan ku sugan magaalada Ceerigaabo aannu arrintan wax ka weydiinney ayaa xaqiijiyey jiritaanka doonyahan kalluumaysatada Yemen ee toddobada ah in ciidanka ilaaladu Berbera u taxaabeen isagoona sheegay maammul ahaan in aanay jirin wax lagala socodsiiyey balse ay ku war heleen in doonyahaas ciidanku saqdii dhexe xalayto halkaas ka kexeeeyeen iyo sidoo kale in ay isagana soo gaadheen wararka sheegaya doonyahaas in isgaadhsiinta iyo sahaydii laga qaaday Wuxuna sheegay maayorku in doonayahani sifo sharci halkaas ku joogeen haddiise denbi jiro ay ahayd maamulka Degmada ay ka shaqaynayeen iyo madaxda gobolka Sanaag in loo soo gudbiyo Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sanaag Maxamed Yuusuf (Otor) oo isagana aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay in ciidanku doonyahan kalluumaysiga Yemen laga leeyahay ka qabteen Badda Maydh oo ay ka kalluumaysanayeen una gudbiyeen dhinaca Berbera. “Doonyahaasi waa jiraan waxayna ahaayeen kuwii badda xasuuqayey ee jiriifka ahaa ee kalluunka caydiga ah ku laaya kalluunka waaweyn oo hore loo mamnuucay”. “Markaa doonyihii kale ee caadiga ahaaba way joogaane laakiin doonyahan ciidanku qabtay waa doonyaha noocaas ah”. Isagoo ka jawaabayey su’aal kusaabsanayd isgaadhsiinta iyo sahayda la sheegayo in ciidankiisu doonyahaas kala degeenna wuxu yidhi “Taas waxba kama jiraan waa war aan sal iyo raad toonna lahayn” Isagoo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd sababta doonyahan loogu gudbiyey Berbera oo arrintooda loo dhaafiyey gobolkii ay ka shaqaynayeen wuxu yidhi “Taasi waa amar guud oo ka yimid xagga xukuumadda in halkaas la keeno”. Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|