Ururka Qareenada Somaliland (Solla) Oo Tacsi Udiraya Bahda Suxufiyiinta Geeridii Suxufigii Weynaa Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax’ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Qareenada Somaliland (Solla) Oo Tacsi Udiraya Bahda Suxufiyiinta Geeridii Suxufigii Weynaa Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax’
December 29, 2014 - Written by Editor:

Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA) isagoo ku hadlaya afka bahda garyaqaanada Somaliland, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan bahda suxufiyiinta dalka geeridii naxdinta lahayd ee ku timid suxufigii weynaa ee Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo 29/12/2014 ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Marxuumkaasi waxa uu ahaa shakhsi u taagan difaaca iyo xoriyatul qawlka Somaliland isagoo markasta la soo xidhiidhi jiray garyaqaanada si uu difaac maxkamadeed ugu helo suxufiyiinta loo xidhxidho iyagoo gudanaya mihnadooda shaqo. Waxa uu markasta dedaal weyn ka geli jiray sidii uu ugu hiilinlahaa suxufiyiinta lagu tacadiyo. Kamanuu hadhi jirin dacwadaha suxufiyiinta ilaa uu hubsado xoriyad helista suxufiga xidhan. Markasta waxa uu tashi la yeelan jiray garyaqaanada isagoo u mari jiray dedaalkiisa dhinaca sharciga. Waxaan ugu danbeyn Illaahay uga baryayaa inuu ka waraabiyo Janatul-Fardowza inagana iyo guud ahaan shacbiga Somaliland inuu Illaahay samir iyo iimaan ka siiyo…Aamiin.

 

Garyaqaan: Xasan Cali Banfas

 

Gudoomiye-Xigeenka

 

Qareenada Somaliland

COMMENTS
LINKS