|
|||||
WAJAALE NEWS
Urrurka Caafimaadka Dunida Ee WHO Oo Shaaciyay Kor U Kac Ku Yimi Tirada Dadka Uu Saameeyay Cudurka Ebola.
December 21, 2014 - Written by Wariye:Wakaaladaha Wararka-(Wajaalenews)- Urrurka caafimaadka dunida ee WHO, waxa uu daboolka ka qaaday in tirada dadka u dhintay cudurkan halista ah ee Ebola, ay gaadhay Todoba Kun Seddex Boqol Iyo Saddex Iyo Todobaatan qof (7,373), waxaana warbixintani iclaamisay in tirada uga badan dadka u dhintay cudurkani ay ku dhinteen wadanka Sierra Leone, oo ah wadankii ugu horeeyay ee uu xannuunkani ka dilaaco. Urrurka WHO, waxa uu xusay in sidoo kale ay cudurkan ugu dhinteen dalka Mali, Lix qof, dalka Nigeria-na uu ku dilay Siddeed qof, halka dalka Maraykanka uu hal qof u dhintay xannuunkan. Dhinaca kale, Urrurka WHO, waxa uu tibaaxay kiisaska tirada dadka uu cudurkani ku dhaca ee ku nool wadamada Guinea, Sierra Leone iyo Liberia, ay tiradoodu gaadhayso Sagaal Iyo Toban Kun iyo Kow Soddon qof (19,031 qof,), waxaanay warbixintani ku soo beegantay xilli uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu booqasho ku marayo wadamada Galbeeka Afrika, waxaanu Ban Ki-Ki Moon, uu madaxda dalalkaa kala hadlay sidii ay Qaramada Midoobay iyo dawladaha dalalkaasi ay isaga kaashan lahaayeen xakamaynta iyo cidhib-tirka cudurkan halista ee Ebola. Hargeisa Office Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|