Suldaanka Guud ee Habar-Awal wuu ka Leexday Milgihii iyo Tilmaantii lagu Yaqiin Suldaanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaanka Guud ee Habar-Awal wuu ka Leexday Milgihii iyo Tilmaantii lagu Yaqiin Suldaanka.
December 22, 2014 - Written by Editor:

Baryahan dambe, waxa cirka isku shareeray muranka iyo khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay beelaha Sacad Muuse, kadib markay hoggaamiyeyaasha dhaqanku soo saareen bayaan ay ku taageerayaan shakhsiyaad gaar ah oo ay u caleemo saareen inuu noqon doono murashaxa beeshu wadato ee isu taagi doona tartanka doorashada Madaxtooyada Somaliland.

1suldaan

Waxa isa soo taraya shirar googoos ah iyo qabanqaabada xafladdo kala duwan oo odoyaasha dhaqanku ku muujinayeen taageerada ay u hayeen mid ka mid ah murashixiinta beesha ka soo jeeda, taasoo ay si badheedh ah u caddeeyeen in aanay jirin karin cid kale oo is garab istaagi karta ama la iman karta damaca murashaxnimada.

Haddaba, maqaalkan waxaanu si qoto dheer ugu lafo guri doonaa sida Suldaanka Guud ee Beelweynta Habar-Awal Suldaan Xasan uu gebi ahaanba uga leexday milgihii iyo darriiqii looga baahnaa inuu ku hago beesha, kadib markuu taageeradiisa dhinac kaliya kula ciirray, isla markaana dhinacyadii kale ee hanka siyaasi lahaa uu ula dhaqmay nidaamkii dhinac marsan milgihii Suldaan lagu yiqiin, sidaa daraadeed fudaydka Suldaan Xasan ku tallaabsaday noqon mayso mid ummadda iyo bulshadii uu xilka u hayey ay ku qancaan, taasoo beesha dhexdiisa ka dhex abuuri karta khilaaf, muran oo cidhibtiisa dambe ku biyo shubto is necbaansho iyo dagaal.

Si kastaba ha ahaatee, doorka laga filayo ama looga bartay xilka Suldaan, waa maxay? Haddaba aniga oo akhriste jawaabta su’aashan kuu dhaafaya, isla markaana ay hubaal tahay inaad is barbardhig sal balaadhan iyo kafadda miisaanka si xil-kasnimo leh aad u saari doonto sifihii lagu yiqiin Suldaanka, iyadoo qoraalka soo socda aad ka dhex fahmi doonto nidaamkii iyo dhaqanadii lagu yiqiin Suldaanda hormoodka u ah beelaha, waxaan shaki ku jirin in marka laga hadlayo sifaha uu leeyahay Suldaan ay isla markiiba maskaxdaada ku soo dhacayso dhexdhexaad aan eex lahayn, isku soo dhaweynta dad is diidan ama dagaal dhexmaray iyo inuu si hawl-karnimo iyo masuuliyad ku dheehan tahay uu u guto waajibaadkiisa isaga oo markasta tallada uu gooyo isku xidhaya Allaha Caadilka ah, waxana jirta odhaah Soomalidu hore u tidhi “Allahayow aqoon darro ha nagu cadaabin eexna hanagaga tagin”, taasoo sharaxaada odhaahdan ay ku tusinayso in marka hoggaanada dhaqanku gar goynayso ama ay soo saarayaan go’aan ay Illaahay ka magan galaan wixii khaladaad ah ee ay ku tallaabsadaan aqoon-darro awgeed, balse dhinaca kale odhaahda ayaa u dhigan eexna hanagaga tagin, taasoo ah in haddii ay eex ama dhinac u xaglin badheedh ah ku tallaabsadaan ay ciqaabteeda leeyihiin.

Sidaa daraadeed, Suldaanka maantu wuxuu leeyahay saansaanta in aanu si fiican u kala saarin ciqaabta ay leedahay haddii uu dhinac ka doorbido dhinaca kale, taasoo gebi ahaanba lidi ku ah hanaanka iyo milgaha Suldaanka iyo saamaynta ay ku yeelatay hirdanka siyaasadeed oo uu ka markhaati kacayo sida uu Suldaan Xasan u soo kala dhaweysanayo murashixiinta beesha oo mudan inuu si dhexdhexaadnimo ku dheehan tahay ugu gar-naqo, balse sidii laga daawaday shaashaddaha wararka iyo wargeysyaddaba Suldaanku wuxuu si badheedh ah ugu dhiiradday inuu si toosa ah u bayaamiyo in Muuse Biixi noqon doono murashaxa beesha ka soo jeeda ee u tartami doona doorashada Madaxweynaha Qaranka Somaliland, halka Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis uu dhinac isaga dhigay, iyadoo xusid mudan in Suldaanka guud uu beeshiisana Suldaan u wada yahay, isla markaana ay la gudboon tahay in aanu dhinac soo dhaweysan ama fogayn, dhexdhexaadnimo uu muujiyaana ay tahay doorkii lagu yiqiin Suldaan si daacadnimo ah u gudanaya hawshiisa.

Ugu dambayn, Salaadiinta, Cuqaasha iyo hoggaamiyeyaasha Dhaqanka, waxa baryahan dambe aad ugu soo badanaya in ay gebi ahaanba qabsadaan noocyadda kala duwan ee warbaahinta, iyaddoo ujeedadooda u weyn ay tahay waxaanu taageersanahay hebel iyo waxaanu ka soo horjeednaa hebel, taasoo wakhtiyo dambana ay sidoo kale shaashadaha soo hor fadhiistaan iyaga oo la socda go’aan ka hor imanaya kii ay hore ugu dhawaaqeen, markaa waxaan tallo ahaan u jeedinayaa inay ka waantoobaan kana shaqeeyaan siday dadka isugu soo dhaweyn lahaayeen iyaga oo eegaya sida ay ku jirto danta guud, balse haddii ay danta guud ku doorsadaan ta gaar ama cid dan leh ay kolba u adeegsato dhinac, waxay gebi ahaanba arrintaas wax u dhimmaysaa sharaftii iyo karaamadii ay ku dhex lahaayeen bulshadooda.

QALINKII; Maxamed cumar digaale

HARGAYSA SOMALILAND

COMMENTS
LINKS