|
|||||
WAJAALE NEWS
Suldaan Ciise oo Xukuumadda ugu baaqay inay Ciidanka ka dul-qaado.
December 15, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaalenews):- Suldaan Ciise Suldan Cabdilaahi Taani oo ka mid ah Salaadiinta Gobolka Awdal ayaa ku baaqay in laga dulqaado Ciidamo uu sheegay in Deegankaasi Dawladu Geysay. Suldaan Ciise Suldaan Cabdilaahi waxa uu sidaasi ku sheegay Shirjaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Borama waxaanu yidhi. “Aniga oo ka mid ah Salaadiinta Gobolka Awdal oo Magacayguna yahay Suldaan Ciise Suldaan Cabdilaahi Suldan Cumar Waxaan ku abtirsadaa Saldanadaasi, waxaan ka hadlayaa Xaalada ka jirta gobolka Awdal oo ah dhibaato haysta ummada gobolka Awdal iyo Salal. Suldaan Waber waxa uu ka hadlay Tabashada Ummadu ay qabto oo Awalba laga hadlayey, Markaa Suldan Wabar waxa uu ka hadlay uun Tabashadaasi isaga oo deegankiisii Qulu-jeed jooga oo ah deegankii lagu caleemo saaray ayaa waxa lagu soo saaray ciidan farro badan iyo baabuur gaashaman, labba kun oo Ciidan ah ayaa lagu soo saaray, Suldaan Wabar waa suldaan naga mid ah oo Gobolka u dhashay wax aanu ka gudbinay ama ka dayrinay ma jirto. sidaasi daraadeed wax dhib ah oo kale muu geysan, waxaanay na tusaysaa arrintani in ay tahay tii markii horeba dawladu maaganayd. ”Ayuu yidhi Suldaanku. Isaga oo hadalka sii watana waxa uu yidhi “arrinta halkaasi taagan waxa ka sii daran Xildhibaanadii golaha deeganka xalaybaa la daadgureeyey, dhalinyaradii oo dhawr iyo Labbaatan ah iyaga oo aan waxba geysan jeelkaa lagu guray. suldaan wabar waa suldan Xaq ah, waxaanu fuliyey xuquuqda ka saaran dadka uu Masuulka ka yahay ee gobolka Awdal. Suldaanku dalka kamu bixine waa lagaga saaray Baabuur Gaashaaman oo ay saaran yihiin labba urur oo Ciidan ah. Suldaan Wabar waa suldaan salaadiinta ka mid ah kama maarano Mana ogolin wax dhib ahi in ay gaadho waxanu ka cararay waa Dil. waxaan ku baaqayaa in lanaga qaaddo Awooda Ciidan ee Dusha naga saaran.”Ayuu Suldaan Ciise.
Related posts:DAAWO; War-Deg-Dega:Gudoomiyihii Hayaada Maamulwanaaga Iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Oo Xukuumada S... DAAWO ;Xildhibaano Si Adag Uga Ka Hadlay Madax-dhaqameed Dhawaan Tagay Garoowe Iyo fariinta Ay Udir... “Sannadka 2022-ka Waxaa Dhacaya Liisankii Xisbiyadda Qaranka, Markaa Doorasho Madaxtooyo Lama Geli K... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|