“Sebenkii Xumaadaba Dar Baa Sahayda Naanayse”Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Sebenkii Xumaadaba Dar Baa Sahayda Naanayse”Cali Guray
December 13, 2014 - Written by Editor:

Muj cali guray ayaa qoraal kooban oo uu soodhigay barta uu ku leeyahay facebook wuxu kaga hadlay arintii shirka dhainyarad sonyo wuxu u dhignaa sidan;

Sonyo is may qarin ee waxay cadaysatay in aanay waxba la wadaagin mucaaridka ee muxaafidka oo keliya wax la wadaagto. Dhalinyarada aan muxaafidka ahayn ee isbedel doonka ah ma metalo mana meteli karno ayay cod dheer ku sheegeen. Kuwa muxaafidka ah laftooda ma metali karto ee inta dheefsata ee dhuunyata ee keligood dhuqayaasha ah ayay meteli kartaa. Meel i noo fayoobi ma jirto xataa ururadii bulashada way shaasheeyeen oo inta sadhaysan baa badan. Laakiin ha u biqin SEBENKII XUMAADABA DAR BAA SAHAYDA NAANAYSE

 

KUWA SIINKA BAWDADA MARSADAY WAY SAJILAN YIINE

 

Cali Guray

 

 

COMMENTS
LINKS