Safiirka Itoobiya u fadhiya Hargeysa oo Sheegay inay dawladdoodu diyaar u tahay dhex-dhexaadinta Somaliland iyo Puntland marka loo baahdo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirka Itoobiya u fadhiya Hargeysa oo Sheegay inay dawladdoodu diyaar u tahay dhex-dhexaadinta Somaliland iyo Puntland marka loo baahdo
December 24, 2014 - Written by Editor:

Muxuu ka yidhi xad-gudubyadii Ciidammada Liyuu Booliisku ka geysan jireen gudaha Somaliland iyo Joogitaankiisa Hargeysa?

Hargeysa, (Wajaalenews)- Safiirka Itoobiya u jooga Somaliland Brig. Gen Behre Tesfaye, ayaa sheegay inay dawladda Federaalka Itoobiya diyaar u tahay inay dhex-dhexaadiso ama ay soo dhex-gasho muranka dhinaca Xuduudka ee ka dhexeeya dawladda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

safiirka itoobiya u fadhiya somaliland

Safiirku waxa kale oo uu sheegay inay joogsadeen xad-gudubyo lagu eedeyn jiray Ciidammada Liyuu Booliis-ka ka hawlgala Killalka shanaad ee dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dib markii Xukuumaddoodu ku beddeshay Ciidammada Millateriga ah ilaalinta xuduudaha, isla markaana uuu ku faraxsan yahay joogitaankiisa Somaliland, maaddaama ay jiraan dabeecado ay wadaagaan Shacabka labada dal.

Mr. Tesfaye, waxa uu sidaa ku sheegay wareysi dhinacyo badan oo shabakada Somalilandsun la yeelatay, isla markaana qeyb ka mid ah caddadkii Wargeyska HIMILO ee shalay aannu idiinku soo gudbinnay, ayaa qeybtan oo lagu weydiinayo siduu u arko joogitaankiisa Somaliland, sababta Xukuumaddiisu uga hadli weyday sheegashada Puntland ee deegaanka Somaliland iyo arrimo kale ayaa u dhacay sidan:

S: Sideed u aragtaa Xirfaddaada iyo noloshaada joogitaanka Somaliland, adigoo Safiir ah ka shaqeynaysid dal aan la aqoonsan?

J: Aad baan ugu faraxsanahay joogitaanka Somaliland, taasoo ay jiraan himilooyin aan la wadaagno shacabkan sida jacaylkooda nabadgelyada oo ku ajburay inay dagaal kala hortagaan Keli-taliyahii hore. Marwalba waxaan u arkaa in xilkayga halkani sababtay jacaylkayga xasilloonida iyo nabadgelyada qof walba, oo ku biirtay himilada shacabkan ee hadafkaas, markaa inaan ku farxsanahay waxa muujinaya iskhaashiga kobcaya ee ay wadaagaan Madaxda laamaha iyo dhammaan Hay’adaha Siyaasadda iyo jaaliyadaha Itoobiyaanka ee deggan kana shaqeysta dhammaan magaalooyinka Somaliland. Dhinaca Xirfadda, waxaan Maamulaa Xafiis ballaadhan ee Somaliland oo Xukuumadda Itoobiya u aragto inuu ka mid yahay kuwa ugu mashquulsan uguna qiimaha badan Safaaradohooda caalamka.

S: Brigadier General Berhe, sidaad u aragtaa kasoo tallowga Ciidammada Liyuu-Booliis-ka laga Maamulo Jigjiga ku sameeyaan xuduudaha Bariga Somaliland?

J: Waxa jiri jiray eedeymo ah in Ciidammada Liyuu-Booliisku ay sharci-darro ku soo galaan xuduudaha Somaliland, laakiin, labadii sannadood ee u dambeeyey eedeymahaasi way istaageen, ka dib markii Xukuumadda Itoobiya keentay Ciidammo federaal ah oo ilaaliya xuduudaha aannu wadaagno Somaliland, maaddaama Ciidanka Millaterigu sharciyan awood u leeyahay inuu ilaaliyo xuduudaha. Xaqiiqo ahaan eedeymahaasi waxa laga yaaba inay ku iman jireen sida xidhiidhada qabaa’ilka, iyo inaynaan meesha ka saari karin jiritaanka caadooyin ka soo horjeeda ku dhaqan shuruucda.

S: Itoobiya waxay xuduud wadaagaan Somaliland iyo Soomaaliya oo kala gaar ahaa, haddana Puntland waxay sheegataa deegaanno ka tirsan Somaliland, waxa isweydiin leh, sababta Xukuumaddiinnu u soo dhexgali weyday una caddeyn weyday dhinaca khaldan, maaddaama la yaqaanno xuduudaha?

J: Inkastoo xilliyo badan aannu u soo jeedinnay labada dhinac inay ku dhammaystaan khilaafka xuduudaha qaab nabadgelyo ah, halka dagaal lagu xallinayo, gaar ahaan inay doontaan dhexdhexaadiyayaal caalamiya. Itoobiya waxay diyaar u tahay, isla markaana doonaysaa inay dhexgasho marka dhinacyadu ka codsadaan inay dhexgalaan ama khibraddooda ku biiriyaan, maaddaama oo aannu waaya-aragannimo u leenahay xallinta arrimahaas nabadgelyo

COMMENTS
LINKS