“Saddex maal-moodna jidiinka wax ma marin;Qalinki .Nimco Baashe Cabdi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Saddex maal-moodna jidiinka wax ma marin;Qalinki .Nimco Baashe Cabdi
December 29, 2014 - Written by Editor:

Hordhac salaan gobeed dhamaan dadka Afka soomaliga ku hadla. Iyo dhamaan warbaahinta sharafta iyo maamuuska mudan. Ee wax la iskugu gudbiyo, waxaan halkan idiinku soo bandhigaynaa sheeko aad u xiiso badan. Taas oo mudan in wax badan laga faa’idaysto, sheekadan waxay dhex martay. Saddex nin oo mid u yahay mid aad u danyar ah midna uu yahay nin maal qabeen wayn ah balse aan dadka baahan waxba siin, kaas oo kale waxaa la yidhaa kaligii noolaade ama isku filnaade. Halka ninka kalena uu saaxiib la yahay ninka maal qabeenka ah dhamaantiin Akhris wanaagsan,

Nin dan yar ah oo wado socda ayaa wuxuu la kulmay nin jidka dhexdiisa jil-ba jabsan oo beerka is haya, ninkii wdada socday wuxuu isku dayay inuu soo eego bal waxa ku dhacay ninkan beerka is haya ee wadada fadhiya intuu u soo dhawaaday ayuu waydiiyay waxa helay. “maxa kugu dhacay ee ad bogga la haysataa?”   ninkii oo aan hadli karayn ayaa wuxuu ugu jawaabay, “waxaa i haysa gaajo xun saddex maalmoodna jidiinka wax ma marin,” ninkii socdaalka ahaa ayaa inta uu aad u murugooday ayuu ku yidhi “ninyahow anigu hada waxba ma haysto ee nin aanu saxiibo nahay oo hanti badan haysta ayaan wax kaaga doonayaa ee iyara sug.”

Markii wuu ninkii gaadhay gurigii ninkii ay saaxiibada ahayeen ee hodanka aha ayuu arkay isaga oo jilbuhu dhulka u yaalaan oo caloosha is haya. Ninkii oo yaaban oo leh maanta dadkan beerka is waa haya maxay ahaayeen ayaa inta uu soo dul fadhiistay saaxiibkii ku yidhi “saaxiib maxaa ku helay?” ninkii hodanka ahaa ayaa cod hoose ugu jawaabay. Saaxiib xalay ayaan cuntadii iska badiyay oo caloosha ayaa I xanuunaysa”

Ninkii socdaalka ahaa ee guriga cuntada u soo doonay ayaa saaxiibkii ku yidhi inta uu garabka qabtay oo uu istaajiyay “haddii cuntadan aad iska badisay ee calooshu kugu xanuuntay aad wax ka siin lahayd ninkii aan soo arkay ee gaajada la ildarnaa, labadiinuba maydan xanuunsateen waana dhab marka la leeyahay “kuwa wax haystaa kuwa n waxba haysan ha gacan qabteen . ninkii wuxuu u sheegay saaxiibkiisii hantida badan lahaa ee taajirka ahaa ninkii gaajada la kici kari waayay ee uu wadada kaga yimid waxayna isku dayeen in ay is raacaan oo ay wax u geeyaan ninkaa gaajada xun ay hayso  halkii ayay labadii nin ugu yimaadeen ninkii waxayna siiyeen cunto badan iyo wixii kale ee uu u baahnaaba

Ninkii hantida badan lahaa maalintaa laga bilaabo wuxuu go’aan ku gaadhay in uu u gargaaro dadka aan waxba haysna isla markana wuxu sameeyay barnaamij uu ku dhiiri galinaayo dadka isaga oo kale ah ama ka sii taajirsan in ay gacan siiyaan walaala’hooda baahan ee danyarta ah

 

 

Maah maah ficil wanaagsan baa farxad keena.

Waa bilaahi towfiiq

Nimco Baashe Cabdi

Cashaqa555@hotmail.com

COMMENTS
LINKS