Rabshado Hadheeyey Xaflad Xisbiga WADDANI ku qaabbilay Taageerayaal & Masuuliyiinta Xisbigaas oo ku eedeeyey Xukuumadda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rabshado Hadheeyey Xaflad Xisbiga WADDANI ku qaabbilay Taageerayaal & Masuuliyiinta Xisbigaas oo ku eedeeyey Xukuumadda
December 4, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews):- Rabshado Shiid iyo Dhagax-tuur ah oo dad ku dhaawacmeen, ayaa hadheeyey gunaanadka Munaasibad lagu qabtay Huteel Crawn ee magaalada Hargeysa oo Xisibga Mucaaradka ah ee WADDANI ku qaabbilayey Taageerayaal cusub oo ku biiray oo ay hor-socotay Faadumo Siciid iyo kuwo kale.
Dhalinyaro tiro badan oo Dhagaxan iyo waxyaabo ay gacanta ka tuurayeen ku hubaysnaa, ayaa Shiidka iyo Dhagax-tuurka bilaabay abbaaro 12:00-kii Duhurnimo ee Khamiista maanta, markaas oo ay Dhagaxa ku qaabbileen Masuuliyiinta, Marti-sharafta iyo Taageerayaasha WADDANI oo Munaasibadda oo gebogabawday dibedda uga soo baxay.
Waxaana markii sidaa ay dibedda Huteelka ugu soo baxeen Taageerayaasha, Masuuliyiinta WADDANI, Marti-sharafta Munaasibadda kala qaybgalay iyo Suxufiyiinta wax ka duubayey Xafladdaasi, sida dhibicda oo kale ugu hooray Dhagaxaanta ay tuurayeen Dhalinyarada faraha baddan oo ay Xisbiga WADDANI iyo Mulkiilaha Huteel Crawn ku eedeeyeen inay Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE soo abaabuleen oo la doonayo in nabadgelyada iyo taageerada WADDANI lagu carqaladeeyo.
Hase-yeeshee, markii dambe waxay hawshu isu-beddeshay in Dhalinyarada Taageerayaasha WADDANI ka tirsan ee Munaasibadda ka soo baxay bilaabaan iska-caabbin iyo inay dhagaxa kaga jawaabaan dhagax-tuur kale, ilaalada Huteelka ayaa iyaguna bilaabay inay Rasaas kor ugu ridaan si ay u didiyaan dhalinyarada duullaanka soo qaadday, inkasta oo aanay jirin wax Ciidan ah oo uga soo gurmaday laba Saldhig Boolis oo Huteelka ka ag-dhaw sida uu sheegay Mulkiilaha Huteel Crawn Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-Hindi) oo isna Warbaahinta la hadlay.
Mulkiilaha Huteel Crawn Cismaan-Hindi, waxa uu farriin u mariyey Warbaahinta Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa, waxaanu yidhi; “Waxaannu nahay Muwaaddiniin Ganacsanaysa, waxaannu nahay Cashuur-bixiyeyaal, Mudane Madaxweyne uma dul-qaadan karno dhacdadan oo kale ee waxaan kaa codsanayaa inaan arrintan oo kale mar dambe la ii celin oo aanay igu soo noqon.” Waxa uu sheegay Cismaan-Hindi inay u arkaan Dhalinyaradan Rabshadda geysatay kuwo la soo abaabulay oo Xukuumaddu lug ku leedahay sida uu hadalka u dhigay.
Xoghayaha guud ee Xisbiga Maacaradka ah ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo goobtaa Rabshaddu ka dhacday ee Barxadda hore ee laga galo Huteel Crawn kula hadlay Warbaahinta, ayaa isaguna Xukuumadda ku eedeeyey Masuuliyadda abaabulka Rabshaddaas dhalinyaradu geysatay, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu qaadayso Masuuliyadda Khasaaraha ka dhashay Rabshadaha ay ka dambaysay sida uu ku dooday.
“Waxay Xukuumaddu diyaarisay Askar Xabbad ridda iyo Carruur Baabuurta jajebisa marka laga soo baxayay Xafladda. Aad baannu u cambaaraynaynaa arrintan, wixii khasaare ka dhashayna waxaa Masuul ka ah Xukuumadda.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.
Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Waxa si badheedh ah loo soo weeraray Ganacsadaha Hoteel-ka ku Ganacsanaya iyo WADDANI oo Xafladihiisa laga soo horjeedo. Waxaannu leenahay Xukuumadda dadka nabadgelyada ha u dayso, yaanay iyadu nabadgelyo-darro abuurin.”
Xukuumadda ayaan iyadu weli ka hadal eedayntan Masuuliyiinta Xisibga WADDANI ugu jeediyeen inay soo abaabushay Dhalinyarada Rabshadda Shiidka, Dhagax-tuurka iyo Budhaynta isugu jira ka sameeyey maanta Barxadda hore ee laga galo Crawn Huteel ee magaalada Hargeysa. Ma jirto tiro sugan oo ay Masuuliyiinta WADDANI sheegeeni nay wax ku noqdeen rabshadahaas, hase-yeeshee, Suxufiyiinta goob-joogga ahaa ayaa sheegay inay arkayeen Dad Dhagaxantaas ku dakhramay iyo Baabuur Shiidka lagu jejebiyey Muraayadohooda.

 

COMMENTS
LINKS