|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Iyo Somalia Oo Kala Saxeexday Heshiis Hawada Somalia Muqdisho Loogu Wareejinayo.
December 7, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-Todobaadkan ayaa Dawladda Somalia iyo Waaxda Qaramada midoobay u qaabilsan Hawada iyo duulimaadyada ee ICAO kala saxeexdeen Heshiis Hawadda Somalia ee Hay’adda ICAO ku maamusho Nairobi loogu wareejinayo Muqdisho islamarkaana ay maamuli doonto Somalia. Heshiiskan oo lagu kala saxeexday Dalka Canada waxaa dhanka Hay’adda ICAO u saxeexay Xoghayaha Guud ee ICAO Mr Raymond Benjamin,halka Somalia uu u saxeexay Wasiirka hawada Somalia Siciid Jaamac Qoorsheel. Ugu horayn Xoghayaha Guud ee ICAO Mr Raymond Benjamin oo ka hadlaya Wareejinta Adeegga hawada Somalia waxa uu yidhi “Waxa aanu gaadhnay wakhtigii aanu bilaabi lahayn dhaqan-gelinta barnaamijka kala guurka ee adeeg-yadaas dib loogu celin lahaa Dawladda somalia” Mr Raymond Benjamin oo sii sharaxaya hanaanka loo wareejinayo iyo taageerada barbar socota waxa uu yidhi “Barnaamijka kala guur waxaa barbar socon doona mashuur lagu caawinayo tayeynta shuurcda duulimaad-yada rayidka ah. mashruucani waxa uu leeyahay muhiimad iskumid ah, waxa aanu buuxin doonaa iskaashiga dawladda federaalkaa ah ee Soomaaliya iyo dhaqan gelinta labadan mashuuc”. Dhanka kalena waxaa heshiiskan ka hadlay Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiirka hawada Somalia “Waxaanu qalinka ku duugnay in hawadii Somalia wixii maanta ka dambeeya ay dawladda Somalia leedahay oo ay hawshii ka soconayso, markaas haddii ay halkaas marayso waa meel aanay somalia waxba ka jirin. Waxay u baahan tahay in qalabka la keeno anagu markaas dawlad ahaan waanu ka sii diyaar garownay, tower-kii lagu shaqayn lahaa ayay muhiimadu tahay sidii Nairobi looga rari lahaa ee muqdisho loo gayn lahaa, Tower-ka dhismihiisu wuu socdaa, bilo ayuu qaadanayaa qalabkii lagu shaqayn lahaana Talyaaniga ayaa laga soo Iibiyay oo uu yaalaa. Waxay noqonaysaa in hawshii ay si rasmi ah u bilaabato” Xukumadda Somaliland ayaa kuhawlan Qabanqaabada wada hadalka Somalia iyo Somaliland,balse Heshiiskan ayaa jabinaya qodobka ugu muhiimsanaa Qodobada ka soo baxay wada hadalka Somalia iyo Somaliland oo nuxurkiisu ahaa in Somalia iyo Somaliland wada jir u maamulaan hawadda islamarkaana fadhigoodu noqdo Hargeysa. Wajaale News Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|