Nuxurka; Qoddobo Lix ah Oo Kasoo Baxay Wada-hadalladii Somaliland Iyo Somalia Uga Socday Dalka Djibouti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka; Qoddobo Lix ah Oo Kasoo Baxay Wada-hadalladii Somaliland Iyo Somalia Uga Socday Dalka Djibouti
December 21, 2014 - Written by Editor:

Jabuuti(Wajaalenews)-Waxa Goor dhaweyd lasoo afjaray Wada-hadalladii somaliland iyo Somalia uga socday Dalka Djobouti, waxana laga soo saaray Qoddobo Dhawr ah oo labada dhinac isla-garteen inay ka qayb qaadan karaan horumarka dedaaalka lagu wado in Aakhirka la gaadho wax lagu wada Qanacsan yahay.

warqada hishiishka somaliland io somalilaya

Qoddobada laga soo saaray Wada-hadalladan ayaa waxa wada saxeexay labada Madaxweyne ee Somalia iyo Somaliland, waxana lagu ballamay in wada-hadallada kan xigi doona lagu qabto Dalka Turkiga sidii awalba caadadu ahaan jirtey.

Qoddabada laga soo saaray Wada-hadalladan oo lix ah, ayaa kala ahaa kuwan Hoos ku qoran:

1.In la dardar galiyo wada hadalada labada dhinac, islamarkaana wakhti lagu jaangooyo

2.Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arimaha siyaasadda ee Masiiriga ah Lagu dhiirado, lana fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyay oo ah in laga dhawrsanaado waxyaabaha wada hadalka carqaladayn kara

3 Inaan la Siyaasaddayn deeqaha Bani’aadanimo iyo Mashaariicda dib u dhiska walibana la dhiiri galiyo

4;In la fuliyo Heshiiskii Hawada(In labada dhinac wada jir u maamulaan hawadda)

5;Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la isla garto inay wada hadalada ka qayb gali karaan Khubaro farsamo iyo Wadamada Saaxiibka ahi marka loo baahdo;

6;In Ergada labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia madasha tan xigta ay ku kulmaan Dalka Turkiga 15-16-ka January sanadka 2015-ka.

Weftiyo ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ayaa qodobadani soo saaray, iyadoo shirarkii ka horeeyay ee Turkiga qodobada sidan oo kale uga soo baxay aanay waxba ka fulin, inta badana Somalia u muuqatay mid aan dhawrayn heshiisyada.

COMMENTS
LINKS