Ninka Baarlamankii Laga Fur_Furi La,yahey Ayaa Madaxweyne Laga Furfurayaa,Waa Maya; Qalinkii Axmed Xasan Cilmi (Daacad) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ninka Baarlamankii Laga Fur_Furi La,yahey Ayaa Madaxweyne Laga Furfurayaa,Waa Maya; Qalinkii Axmed Xasan Cilmi (Daacad)
December 17, 2014 - Written by Editor:

Mar Hore Waxaan Salaamayaa Dhamaan Sxaafada Madaxa Banaan Meelkasta oo Ay Dunida ka Joogaan

Waxaan Doonayaa In aan ka hadlo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna Gudomiyaha Xisbiga WADANI Dhaqamadiisa Siyaasadeed Ee Aaney Dadku Dareen sanayn

Waxaan Maanta Qalinka u Qaatey In Shacbiga u iFtiimiyo Qaladka Sharci_jabinta ah ee uu Gudoomiyuhu Galey Wakhtiyadii u Danbeysey Aniga oo ka Tirsanaa Xisbiga WADANI iyo Waxyaabaha aan kaga Cadhoodey

Sidaa Awgeed Hadaan ku Horeeyo Dhaqamadiisa Siyaasadeed Waxaa Kaw ka Ah

  • Balan_qaad Weyn oo Been ah oo uu Hunguriga kaasoo Ridayo si Aanad Wax Yar u Weydiinin tusaale ahaan (Guri ayaan kuu dhisayaa ama caruurta ayaan jaamacado kuugu dirayaa iyo i.w.m)
  • Marka Wakhtigii aad balansaneydeen la gaadho Numberka kaa qaban maayo oo wuu kugu dhagaysanayaa,Markaad hesho balan kale ayuu kula galayaa
  • Dhaqamadiisa Caadiga ah Waxaa ka mid in uu Sameecada taleefanka dalaco isaga dadka maqashiinaya waxa ay qofka kale ku wada hadlayaan Markasta Tusaale ahaan (Waxaa Dhawaan ku biirey Wali Axmed Xaawa oo La Socdey Xuseen Xoog,Waxaa Lagula Balamey In Xildhibaan Khadar Ambassador uu Xildhibaanimada Golaha Wakiilada Iska Casili doono,Markii ay ku biireen ka dib waxaa sidii caadada u aheyd C/raxmaan Ciro uu Numberkii Ka Qaban La,yahey Wali Axmed Xaawa iyo Xuseen Xoog

Hadii intaa aan ku dhaafo dhaqamada siyaasadeed ee Gudomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Ciro

Waxaa sidoo kale Aan Doonayaa in aan in yar ka taabto Qaladka Sharci_Jabineed ee uu dhawaanahan ku dhaqmayey

  1. Waxaa uu Wax Ka Badal Ku Sameeyey Xeerkii Golaha Wakiiladu Ku Ansixiyeen 64 Mudane ee ahaa Xeerka Muawaadiniinta iyo Codbixiyayaasha,Ceebta ka sii darneyd waxay Aheyd in gudidii dhex-dhexaadintu Ceebta korka ka saaraan dadkii oo daawanaya oo ay Yidhaahdaan Wixii Xeerkaa laga Badaley Waxaanu Tuurta u Saarney Gudomiyaha G Wakiilada C/RaxMaan Ciro
  2. Intii Aanu BURCO U Bixin 8 Habeen Ka Hor Waxaa Uu Olole Balaadhan oo Uu Xiitaa 10 BaaBuur Saarey MikiriFoono, Arintaas oo Olole Ka Dhigaysa isla Markaana Xeerarka Dalka Ee Uu Ansixiyeyna Ka Hor Imanaysa
  3. Waxaa Xaraan Ah In Isaga oo Gudomiyihii Golaha Wakiilada ah in uu Yidhaahdo Mucaarad Baan ahey Dadka Caalamka Inaga Yimaadaana Wey Inagula Yaabtaa,Sidoo Kalena Waxaa uu Isticmaalaa Dhaqaalihii Dawlada isaga oo Xafladaha Voucher u Sameeya Golaha Wakiilada oo uu Dhex galiyaa Budgetka Golaha Wakiilada
  4. Waxaa Doortey Xildhibaanada Golaha Wakiilada Markii ay Ka Hor Yimaadeena Waxaa uu Ku Muusanaabey To,La,aaY Yaa Reer Hebalaay

Ugu Danbeyntii Hadii Uu Meel Ka Sareysa Helo Sidee Looga Qaadayaa Kursiga ileyn Waatan Golahii Wakiilada Laga Fur Furi La, Yahaye (CajiiiiiiiiiiiB)

 

Axmed Xasan Cilmi (Daacad)

——————-

 

COMMENTS
LINKS