Natiijadda Wada Hadalada Somalia& Somaliland Iyo Soo Noolaanshaha Rajadii Soomaali Weyn; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Natiijadda Wada Hadalada Somalia& Somaliland Iyo Soo Noolaanshaha Rajadii Soomaali Weyn;
December 21, 2014 - Written by Editor:

Djibouti (Wajaalenews) Madaxweyneyaasha Somalia iyo Somaliland ayaa soo wada wada hadalada, isla markaana u fulin Lahaayeen qodobadii ay hore ugu heshiiseen iyo weliba inay Iska kaashadaan dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka kooxaha mayalka adag iyo budhcad badeeda.

Warmurtiyeedkan oo ka dambeeyay ka dib wada hadal qaatay afar iyo labaatan saacadood oo ay marti gelisay dawladda Djibouti, waxa kale oo ay labada dhinac ku heshiiyeen inay ku dhiiradaan go’aan ka gaadhista sida uu mustaqbalka noqonayo xidhiidhkoodu, iyada oo loo balamay shir lagu qaban doono dalka Turkiga bisha labaad ee sannadka soo socda.

DSC_0010

 

Haddaba sida ay sheegayaan khubarada arrimaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda dhex-dhexaadinta Djibouti ayaa la filayaa inay soo noolayso rajadii ay qabeen dadka ku hadla afka SOomaaliga ee Geeska Afrika in la iskugu keeno calan keli ah, isla markaana ay yeeshaan hannaan maamul oo ka dhaxeeya.

Waxaanay khubaradu sheegeen in marka la eego sida ay labada dhinacba u aaminsan yihiin Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah hogaamiye ku dhac leh, isla markaana ku hawlan sidii uu mar uun guul caalami ah uga gaadhi lahaa arrimaha dhexdhexaadinta Soomaalida inta uu hayo talada dalka Djibouti, waxa muuqanaysa rajo keeni karta inay soo noolaato midnimadii ay dadka Soomaalida ahi doonayeen lixdamaadkii markii xorriyadda la qaatay. waxaanay saadaalinayaan inay dhici karto in la abuuro urur ay ku midoobaan dawladaha Soomaalida ah ee Geeska Afrika, gaar ahaana kuwa haysta madax banaanida ee ay ka mid yihiin Somalia, Djibouti iyo SOmaliland taasi oo ah in arrin ay aqbali karaan madaxweynayaasha Somaliland, iyo SOmaliaba isla markaana ah saldhiga midnimadii dhicisowday ee dhexmartay Somaliland iyo Somalia sannadkii 1960-kii oo ay dadka Soomaalidu doonayeen inay dadka SOomaaliyeed yeeshaan dawlad keli ah oo ay ku midaysan yihiin shanta gobol ee ay Soomaalidu u qaybsantaha ee kililka Shanaad, Djibouti, NFD Somalia iyo SOmaliland.

Aragtidani waxay leedahay maadaama oo kililka shanaad goostay inuu qayb ka ahaado Ethiopia, NFD ay raacday Kenya, Somaliland-na doonayso inay ka baxdo midnimadii ay la gashay SOmalia, halka ay Somalia-na ka doonayso inay SOmaliland dib Ugu celiso Midnimadaasi, Djibouti-na doonaso in xal laga gaadho khilaafka labada dhinac, waxa dhici karta in la sameeyo urur goboleed cusub oo ay ku bahoobaan dawladaha Soomaalida ah ee Geeska Afrika, gaar ahaana Somalia Djibouti Iyo SOmaliland, isla markaana loo bixiyo Somali Union States, oo la mid ah sida ururka wadamada Khaliijka amaba Midawga Yurub oo kale, arrintaasi oo u cuntami karta dadka Somalia ee doonaya midnimada, dadka SOmaliland ee doonaya madax banaanida iyo Djibouti oo doonaysa in xal laga gaadho khilaafka.

 

AKHRISTE FIKIRKAAGA KA DHIIBO

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS