Muuse Biixi oo ka hadlay Heshiiskii Dhex maray Somaliland iyo Somaliya iyo Qodobo kale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muuse Biixi oo ka hadlay Heshiiskii Dhex maray Somaliland iyo Somaliya iyo Qodobo kale
December 23, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Ayaa ka hadlay Heshiiskii Dhex Maray Somaliland iyo Somaliland waxaanu Tilmaamay in Heshiiskasi uu ahaa Mid Guul ku soo dhamaaday, Waxa kale oo uu ka hadlay Go’aankii ay gaadheen Gudida Horumarinta Beesha Sacad Muuse ee Hodaale.

Muuse Biixi waxa kale oo ka jawaabay Walaac ka soo jeedhay Xisbiyada Mucaaridka ee ku waajahnaa heshiiskii labbada Dal oo ay tilmaameen in umadda Somaliland loo cadeeyo qaar ka mid ah 6 Qodob ee lagu heshiiyey oo ay saluugeen.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Sidaasi wax auu ku sheegay Shirjaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada hargeysa Maanta.

Muuse Biixi oo ka hadlaya Qodobadii ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Somaliya waxa uu tilmaamay in ay yihiin Qodobo dabba Socda Heshiiskii hore ee dalka Turkiga, isaga oo tilmaamay in Qodobka ugu muhiimsan ee shacabka Somaliland ay sugayaan uu yahay Madaxbanaanida Somaliland, isaga oo tilmaamay in Qodobkaasi uu imandoono Kulanada Danbe Dawlada Somaliland qodobka ugu muhiimsan uu yahay kaasi, balse qodobadan kale ay yihiin sidii shirku hore ugu sii socon lahaa, waxa kale oo uu u mahad celiyey Dawlada Djabuuti oo Gogosha labbada Dal u Fidisay, waxanu mucaaridka u soo jeediyey in ay ogaadan in Dawlada Somaliland aanay ahayn mid marna looga baqay Madaxbanaanideena isla markaan shacabku ku kalsoon yahay.

 

Guddoomiye Muuse Biixi waxa kale oo uu sheegay in uu Qaatay Go’aankii ay soo saaren Gudida Beesha sacad Muuse ee ay ku kala reebeen Saddexda Musharax waxanu tilmaamay in ay mar walba Fiican tahay isla markaana caalamka ka dhacdo in Musharaxiintii Isku Degmo ah gobol ah la kala saaro inta aan shirweynaha la gaadhin si goordhow dad gobolo kala duwan ahi ugu tartamaan, taasina ay Guddida beeshu go’aan soo saartay Go’aankina uu qaatay, waxanu tilmaamay in Saxiibadiisa kalena ay Go’aankasi qaddan Doonan.

COMMENTS
LINKS