|
|||||
WAJAALE NEWS
Musharax nimada Xisbiga Kulmiye Ma Kursi baa Mise Waa Laba Kursi!! W/Q Xuseen_Mahdi Xasan Xuseen
December 24, 2014 - Written by Editor:Markay hoggaamin umadeed noqoto waxa la gu tartamaa Kursi Qudha, hoggaaminta aynu ka hadlaynaa waa midda ugu saraysa, ummadna ma yeelato laba Madaxweyne, waxana u sabab ah in maamulka iyo haykal ka ummaddu urursanaato, lagana dhowro tafaraaruq iyo kala tagsanaan, waxa looga dhowrayaana waa in xajiim iyo awood kala jiidasho timaad taas oo luminaysa himilada hayaan ee ummad kastaa ku jirto. Kursiga ugu sarreeya waxa uu tartan ku dhexmaraa inta hanka u hilowsan, waxay kala maraan wadiiqooyin kala duwan, mid waliba uu gaar kiisa u rabo inay ku soo rito Jidka wayn, hanka laysma ammaahiyo, kursi qudhana layskuma gacan qabsado, waxa loo kala dheeraynayaa la kala riixanayaana waa Kursi kaas. Kulmiye waa Xisbul xaakim ka arrimiya Somaliland, waxa taagan tartan loogu jirro musharaxa baddali doona Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilanyo, waxa soo baxay hankoodana banaan ka keensadey Musharixiinta kala ah, Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxay u kala guclaynayaan waa hal kursi oo ah qof ka uga qayb gali doona Kulmiye tartan ka dhici doona wakhti aan cayimnayn, markaynu sidaa u fahamno waxaynu iswaydiin karnaa sadexdoodu ma wada noqon karaan musharaxiinta Kulmiye? Maya ma wada noqon karaan, waxa noqon karaa waa mid iyaga ka mid ah, su’aasha kale ee iyana xusidda mudani waxay tahay Laba ka mid ah Kursiga qudha ee ka banaanan doona Kulmiye ma ku soo wada bixi karaan? Maya kuma soo wada bixi karaan oo sharciga ayaa ogal in hal musharax xisbi kastaa uga tartamo doorashada Madaxtinimo. Musharaxiinta kor ku xusan waxa si gaar ah u taagan waa Muuse Biixi Cabdi, sida aynu ka aragnay waa Musharaxa qudha ee si iskii ah ugu tartamaya Musharaxnimada Kulmiye, horre umaynu arag mana filayno inay ka soo dheggo wayntahay in musharax kale isbarbar joogsadaan madalna wada kulmiso, Siyaabaha uu hanka u soo bandhigey iyada lafteedu waxay marag ka tahay inaan la gu wehelin una madaxbanaan yahay wadada u marayo kuna tiigsan karo Musharaxnimada Kulmiye, hanka sidaas ah waa mid soo jirreen ah oo la gu yaqaan sunaha tartan ka dhexmara musharixiin han wada leh. Maxamed Biixi iyo Cabdicasiis Samaale siday sheegteen iyaga laftooda waxa ku duugan han, waxay rabaan kusiga musharax nimo ee sheedda uga muuqda, waxay ula siman yihiin Muuse Biixi, waxay soo bandhigeen inay tartan ugu jiraan rabaanna inay dalkan ka arrimiyaan, haa xaq bey u leeyihiin waana u qalmaan inay tartan ka qayb ka noqdaan se waxa loo baahan yahay in la ga jawaabo waydiimaad dhowr ah mudanna in layska warsado, Maxamed Biixi iyo Cabdicasiis iyaga tartan ma ka dhexeeyaa? Su’aal kale intaynaan u gudbin si ayna waydiinta warcelin teedu u khaldamin mid aynu sii adkayno, Maxamed iyo Samaale waxay iyaga laftoodu u wada tartamayaan Musharaxnimada Kulmiye, xisbi kale midkood kama sharaxna hanna kama hayo, sidoo kale marna maynu maqal in midkood midka kale u tanaasuley una alaab gurtey siduu u dhisi lahaa, waxa hubaalto ka dhigeysa shirkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Guuleed Hotel in labaduba musharaxnimo iyo doonis kursi soo bandhiggeen, kol haddii halkaa aynu ogsoonnahay waydiinta warcelinta inooga baahani waxa weeye, waxa Maxamed iyo Samaale ka dhaxeeya ee Muuse gaar u ka yeelay? Waxa ka dambeeya hal-madal in laba siyaasi oo tartan ka dhexeeyo wada yeeshan? Waa maxay ujeedada ka dambeysa labadaa odey inay hal cummaamad wada duubtaan odeyga kalana hujuumaan? Miyeyna iyaga tartan ka dhaxayn? Ma Madaxweyne iyo Ku xigeen ayey isku yihiin, mise waa Gole shacac waxay u tartamayaan? Maxaa iyaga wadaajiyey ka kalena baal daaq ka yeelay? Waydiimahaasi waa kuwo u furan in loo helo warcelin ku salaysan waxyaabaha dhabta ah ee ka dambeeya hanka Maxamed iyo Samaale…… Arrin ka kale ee xusidda mudan ayaa ah dhaqaalaha badan ee la gu bixinayo Macsuumadaha, waxa ayaan darro ah dalka oo dhaqaalihiisa aynu arkayno halka uu marayo, lacagta aan xad ka lahayn ee olalaha la gu galyo ayaa ah wax ubaahan in ummadda laga shaki saarro, ummaddii ayuu dhaqaalaha u hayaa, xoolihii umadda la ga guray oo dhami gacantiisa ayey ku jirraan, waynu ognahay Wasiir kasta iyo waxa uu xaq u leeyahay ee mushahar ah intay kafeyn karto ama ay noqon karto, inayna tasaruf lacag la gu sameeyo ahayn se biil ka qoyska iyo wax aan dhaamin ku filan, haddana intaas oo hanti ah, cadad na lahayn ayaa si khaldan loo luminayaa, xukuumaddii Wasiiradani ka tirsan yihiin isma waydiinayaan ceebaha ay leedahay, Musuq ayaanu nadiif ka nahay, waanu ka madaxbanaannahay haddana sidan ayaan wax loo dugsanayaa maaha wax bulshada ka daadagi karta, dhaqaalahaa sida khaldan loo luminayo, saacad gudeheed in sidaa wax loo burburiyo oo dhaqaale intaa leeg la lumiyo waxaynu ku odhanaynaa xukuumadda laba kala daaya, xoolaha ummaddu way xafidantahay musuqna ma jirro iyo waxaa bulshada u muuqda uga jawaabi kari mayno, waxba may ahaanteen haddii aad waddooyin ka beeluhu wataan ee la qaramayn kari waayey in loogu deeqo, waxbadan ayey ka tari lahayd xukuumad ahaanna waydin ku asturmi lahaydeen.
Related posts:6 Cibaaro Oo Ka Dhashay Xanuunka Corona Virus, Aadamuhuna Wax Ku Qaadan Karo! W/Q:-Eng Xuseen Deyr. Nin Dilaala Mooyee, Dagmadaan Ku Noolahay, Nin Daryeel Yidhaahdaa, Dulibuu Ka Qoranyahay…! W/Q:- Moh... Nin Qab-weyn iyo Nin Qoonsimaad Badan-ba Qaanuunkaa Ka Sarreeya: Qormo Tooshka Ku Ifinaysa Sharciyad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|