|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamad Go’aan ka soo saartay Dacwad Musuq-maasuq oo loo haystay Shirkad Laaluus ku bixisay Qandaraas ay ku qaadatay Agabka Doorashooyinka Somaliland
December 24, 2014 - Written by Editor:Guddoomiyihii hore ee Shirkadda iyo Saddex Sarkaal oo lagu helay Dacwad musuq-maasuq oo Dawladda Ingiriisku ku oogtay London, (Wajaalenews)- Maxkamad ku taala magaalada London ee dalka Britain, ayaa falal musuq-maasuq ku heshay saraakiil iyo shaqaale ka tirsan Shirkadda Smith & Ouzman Ltd oo lagu eedeeyey inay lacago laaluush ah ku bixiyeen qandaraasyo ganacsi oo dhexmaray waddamo Somaliland ka mid tahay oo ku yaala qaaradda Afrika. Shirkadda Smith & Ouzman oo ah shirkad qaabilsan daabacadda documentiyada xaasaasi ah, ayaa lagu helay inay lacago laaluush ah siisay saraakiil ka tirsan hay’ado ka tirsan waddamada Kenya, Somaliland, Mauritinia oo shirkaddu u daabacday waraaqaha codbixinta, imtixaannaadak iyo shahaadooyin ay daabacaddooda qandaraas kaga qaaten, kuwaas oo ay ku jiraan Guddiga doorashooyinka Somaliland. wwMaxkamadda oo muddo dhowr sanno ah ka garnaqaysay dacwad Hay’adda Daba-galka Musuq-maasuqa ee Britain ku oogtay shirkadda S&O oo xarunteedu ku taalo magaalada Eastbourne ee dalka UK, waxa ay dambiyan ku heshay Afar oo uu ku jiro nin dhalasho ahaan ka soo jeedo Somaliland oo ka dhex-dillaalay shirkadda iyo Guddigii hore ee doorashooyinka Somaliland ee dalka ka hirgeliyey diiwaangelintii fashilantay ee sannadkii 2008-dii laga qabtay dalka. Xafiiska daba-galka musuqa dawladda Ingiriiska oo dacwaddan ku eedeeyey masuuliyiinta S&O, ayaa sheegay in qandaraasyada lacagaha laaluushka lagu bixiyey ay shirkadda qaadatay intii u dhaxaysay sannadihii 2006 ilaa 2010-kii. Sida lagu baahiyey Wargeyska Maxkamadda oo shalay soo gebo-gabaysay kiiskan musuq-maasuq, waxa saraakiisha dambiga lagu helay ka mid ah Guddoomiyhii hore ee shirkadda Smith & Ouzman, Christopher John Smith oo lagu helay inuu ka dambeeyey laba qandaraas oo shirkaddu heshiiskooda lacago laaluush ku bixisay. Nicholas Charles Smith, Agaasimihii hore ee Iibka iyo Suuq-geynta ee shirkadda, waxa lagu helay inuu ka dambeeyey saddex qandaraas oo heshiiskooda lagu bixiyey lacago laaluush ah. Sidoo kale, Timothy Hamilton Forrester oo shirkadda u qaabilsanaa suuq-geynta caalamiga ah, ayaa isagana lagu helay inuu qayb ka ahaa saddex qandaraas oo shirkaddu nidaam musuq-maasuq ah ku qaadatay Sidoo kale, Maxkamaddu waxa ay fal-dambiyeedka musuq-maasuq ku heshay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo deggen magaalada London, kaas oo u dhexeeyey shirkadda iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo lacago laaluush ah ku bixiyey qandaraas shirkadu ku qaadatay daabacadda Agabka doorashooyinka iyo diiwaangelinta. Saraakiisha hore uga tirsanaa shirkadda ee fal-dambiyeedka musuq-maasuq lagu helay, ayaa Maxkamaddu xukunkooda u muddaysay12-ka bisha February ee sannadka soo socda. Agaasimaha Hay’adda Daba-galka Musuq-maasuqa ee dawladda Ingiriiska, David Green oo ka hadlay go’aanka maxkamaddu ka gaadhay dacwaddan, ayaa yidhi, “Tani waa kiiskii ugu horeeyey ee hay’addayadu ka qabato gabbood-fal ganacsi oo shirkadaha halkani (UK) laaluush ku bixiyaan saraakiil waddamo shisheeye ka tirsan. Fal-dambiyeedkan oo kale, haddii ay yihiin shirkadaha waaweyn iyo kuwa yar-yarba, waxa uu dhaawac weyn u geysanayaa sumcadda ganacsi ee UK, waxaanu dhiirri-gelinayaa nidaamka musuq-maasuq ee waddamada dunida saddexaad.” Guddigii hore ee Doorashooyinka Somaliland ee dhowaan Xilka wareejiyey guddiga Cusub, ayaa magaalada Hargeysa ku marti-qaaday Guddoomiyihii hore ee Shirkadda Smith & Ouzman Ltd, Chirstopher Smith oo ka mid ah afarta masuul ee maxkamaddu fal-dambiyeedyada musuq-maasuq ku heshay, waxaana bishii August, 2013-kii Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa loogu qabtay munaasibad Guddoomiyihii hore ee Guddigii Doorashooyinka wakhtigaas Eng Ciise Yuusuf Xamari ku guddoonsiiyey shahaado-sharaf shirkadda lagu siiyey wada-shaqayntii ka dhaxaysay Komishanka iyo shirkadda S&O. Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Dixood oo ka mid ahaa Guddigii hore ee Doorashooyinka oo dhowaan warbaahintu wax ka weydiisay inay guddi ahaan ku lug-leeyihiin dacwadda shirkada S&O kaga socota magaalada London, ka hor intii aanay xilka wareejin horaantii bishan, ayaa guddigooda ka difaacay inay ku lug lahaayeen lacagaha laaluushka ah ee shirkadda qandaraaska lagu siiyey daabacadda Agabka doorashinka, waxaanu arrintaas ku riixay Guddigii iyaga ka horeysay iyo Agabkii lagu galay galay Diiwaangelintii dhicisawday ee dalka laga qabtay intii u dhaxaysay sannadihii 2008 ilaa 2009-kii. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|