Maxaa Kajira Xidhiidhka Qarsoodiga ah Ee ka dheexaya Xukuumada Iyo Jabhada Suldaan Waber | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Kajira Xidhiidhka Qarsoodiga ah Ee ka dheexaya Xukuumada Iyo Jabhada Suldaan Waber
December 26, 2014 - Written by Editor:

Maxaa Kajira  Xidhiidhka Qarsoodiga ah Ee  ka dheexaya Xukuumada Iyo Jabhada Suldaan Waber ?

Dowlada ayaa Aasaas U ah Jabhada APLF (Awdal People Leberation Front).

Sida aynu kawada warqabno Waxaa ay Odayaasha Dhaqanka Sare ee Gobolka Awdal  kasoo jeedaa Tabashooyin ay kaqaabaan Saami Qaybsiga Xukuumada ay soo hordhigeen Madaxwaynaha Talada haya Maanta Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kuwaas  oo ay katabanayeen Cadaalad darada kajirta xukuumadiisa,

buruu-

Wallow ay Odoyaashaas Dhaqanku  Tabashadoodaas ku Tibaaxeen In hadii uu Madaxwaynaha qaranku waxkaqaban waayo ay ka tashan doonaan Gobalka ay Salaadiinta kayihiin, Lakiin  Xukuumadu Dhag Jalaq uma aysiin Salaadiintaas Dhaqanka sare ee kasoo jeeda Gobalka Awdal  waxaanay Xukuumadu intaas kusiidartay in tabashadaas Salaadiinta Ay Gudi uga dhigtay qaar ka mida Massuuliyiintii ay Salaadiintu waxkatabanayeen oo uu Kow kayahay Wasiir Samaale,Waxaa intaas sii dheer in uu Madaxwaynuhu u idiray Madax wayne kuxigeenkiisa  oo isna Asal ahaan kasoo jeeda gobolka Awdal

Ayaa isaguna waxaa uu isla markiiba kala Qoqobay Saaliidiintii kasoo jeeday gobalka Waxaanuu Invitions siiyay, Shirar kala duwana layeeshay  Qaar kamida Saalaadiinta waa wayn ee kasoo jeeda gobolka Awdal isagoo ku Wakalana ku tilmaamay inay Suldaan Waber isku Reer yihiin,Wuxuuna kala qoqobay Salaadiintii ka midaysnaa  inay iyaga masuul looga dhigo Dowladuna udayso iyaga Suldaankooda baxay ee (Weber) inaykeenan,Wuxuuna Madaxwayne kuxigeenku  sii adkeeyay xaaladii gobalaka kataagnayd waxayna maanta noqotay midkasii Qadhaadhaanaysa sidii markii hore ay ahayd,

Waxaa kaloo aynu wada ogsoonahay in midka mida Salaadiinta waawayn ee kasoo jeeda gobolka Awdal Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil uu Shir jaraa,id oo uu qabtay baaq ugu diray  madaxwayne kuxigeenka Saylici kaasoo kuna tilmaamay inuu gobolka Awdal yahay gobolkiisii

 Isla Markaasna Isaga looga baahanyahay inuu waxka qabto xaalada gobolka kajirta, Takale waxaa Hubaal ah inaanuu suldaanku ka dhexmuuqan Salaadiintii Shirka jaraa,id iyaguna qabtay ee Kutilmaamay in uu suldan Waber oo kali Arinkan ku kooban yahay halka uu Sudaan Saleebaana uu tilmaamay inaanu Shirkaa Jaraa,id waxba ka ogayn, Hadaba Madaxwayne kuxigeenku mawaxaa uu Uyimid inuu iska horkeeno Salaadiinta Gobolka Awdal Qasabna kaga dhigo in Beesha Suldaan Weber kasoo jeedo ay dhamaantoodba  Raacaan Mowqifka  Go,aanka  suldaanka goystay Iyo inuu kala xigsado Salaadiinta Gobolka Mise in uu wax ka qabto xaalada kataagan gobolkiisa .

Waxaa kaloo iyadna xusuus mudan in uu Madaxwaynuhu wali kajawaabin Tabashadii Salaadiinta Gobolka Awdal ilaa maantana aanu ka hadal xaalada kataagan gobolka,iyadoo ay suuro gal ahayd hadii uu in uun madaxwaynuhu kajawaabo tabashadaas salaadiinta ay sidan wax iska badalilahaayeen ,Hadaba waxaa hubaala in Xukuumadu ay waxan kadhiganayso Mashruuc ay wakhtiga kudheeraysanayso  Kuna darayso Barobugaando iyo buunbuunin wax maalin lagu dhamaynlaahaana farihiiba kabixisay si ay Dagaal halkaas uga Oogto,

Xaqiiqa ayaa ah Xukuumada in  ay Dabada kariixayso Go,aanka Suldaan Waber iyadoo uu damaceegu yahay in aanay wax Doorasha ah ka qabsoomin Guud ahaan  Dalka kuna dheeraysanaysa talada dalka, Laakiin soomalidu waxay tidhaahdaa Masiibo gacmahaaga laguma samaysto,hadaba waxa hubaal  ah inay Xukuumada manta talada haysa aysidan kala Adkaandoonto inta ay wakhtiga kudheerayso Isleedahay Farahana  way kaga gubandoontaa mashruucan ay samaysatay.

 Qalinkii :-C/qaadir Yacquub Xasan Deri (Buruu)

Email:-Kaadeer77@gmail.com

Num:-4454990

 

COMMENTS
LINKS