|
|||||
WAJAALE NEWS
Masuuliyiin Xilal sare Ka Haya Xisbiga WADDANI Oo Xabsiga Loo Taxaabay
December 3, 2014 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews) – Guddoomiye ku xigeenkii Afraad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Milgo-sanbalooshe) iyo laba xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbigaasi ayaa goor dhaweyd xabsiga loo taxaabay. Labada xubnood ee lala xidhay Guddoomiye Ku Xigeenka Afraad ayaa kala ahaa Hinda Xasan Idiris iyo Daa’uud Food Cade, ayaa laga qabtay wadada hor marta madaxtooyada, ka dib markii mid ka mid ah saraakiisha ciidamada boolisku uu u dalbaday askarta Ilaalada Madaxtooyada. Masuuliyiintan ayaa lagu xidhay saldhiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa halkaas oo askartii soo qabatay soo gaadhsiiyeen. Lama garanayo ilaa iminka sababta xadhiga Masuuliyiintan, mana jirto cid xukuumadda ka tirsan oo ka hadashay, hasayeeshee ilo wareedyo u dhuun daloola xadhiga Masuuliyiintan ayaa ku xidhiidhiyay in uu ka dambeeyay ka dib markii la ogaaday in ay ka tirsan yihiin guddida qaban qaabada ee munaasibad maalinta berri ah loo samayn doono masuuliyiin ku soo biiraya xisbigaasi. Hore ayaa xisbiga Wadani waxa looga xidhay Xoghayihii hore ee xanaanada xoolaha, ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu u hanjbay guddoomiyeha Golaha Guurtida Somaliland. Related posts:Daawo:Xisbiga Wadani Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Urur Diimeed Lagaga Dhawaaqay Magaalada Hargaysa DAAWO; Madaxwayne Biixi Oo Shaaciyay In Ay Siidaynayaan Maxaabiistii Ay Maamulka Puthland Ka Qabsade... Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada London ee Cariga Ingiriiska COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|